Diyarad Ay Laheyd Shirkada Flay Dubai oo Saaka Gelinkii Hore Ku Burburtey Dalka Ruushka

0
30

diyaradUgu yaraan 62 ruux oo rakaab ahaa ayaa dhintay kaddib markii diyaarad ay lahayd Shirkadda Fly-dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee Sabtida maanta ah ku dhacday garoonka diyaaradaha Rostov-on-Don oo ah magaalo ku taalla Koonfurta waddanka Ruushka.

Diyaaraddan ayaa dhacday xilli ay doonaysay in ay cago-dhigato garoonka, iyadoo sababta keentay dhicitaankeeda lagu sheegay cimilada oo aad u xumayd, waxayna u kala burburtay cad-cad, sida ay sheegeen saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Rostov-on-Don.

Sidoo kale, Guddiga baaraya burburka diyaarada oo Ruushka ah ayaa iyaguna xaqiijiyay in dadkii la socday diyaarada ay dhamaantood Geeriyoodeen. Iyadoo warbixin ay soo saareen ku yiri. “Diyaaradda waxaa saarnaa 55-ruux oo rakaab ah iyo Toddoba shaqaale ah, wayna dhinteen dhammaantood.”

Rakaabka diyaaraddaan la socday ayaa waxay ka dhoofeen Magaalada Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Waxayna dhalashoodu kala ahayd, 44 qof oo Ruush ah, siddeed Ukirain u dhashay, laba Hindi ah iyo qof Uzbekistaani ah.”

Laakiinse, Shirkadda diyaaraddaan iska lahayd, ayaa waxay iyaduna sheegtay in Rakaabka ku geeriyooday diyaaradooda ay isugu jireen 33 haween ah, 18 rag ah iyo Afar carruur ah.