Alshabab oo Maanta 7 Ka Tirsan Ciidanka Kenya Ku Dishey Deegaanka Laamu ee Xeebta Kenya

0
27

alshababToddoba ka tirsan ciidamada Kenya oo ka Haw-lgala Deegaanka dhirta badan ee Boni oo ka tirsan deegaanada xeebta dalka Kenya ayaa dhintay, kaddib markii Gaarigoodii ay la kacday Miino ay Waddada dhinaceeda ku Aaseen Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Deegaanka Kiunga oo ka tirsan deegaanka Lamu ee xeebta Kenya.

Deegaanka Kaynta badan ee Boni ayay ciidamada Kenya ka billaabeen howlgallo ay kaga saarayaan xoogaga Al-shabaab bishii September ee sanadkii 2015-kii, laakiinse weli kuma guuleysan inay Al-shabaab ka nadiifiyaan deegaankaas.

Gaariga ay ciidamadu wateen ayaa ka yimid deegaanka Hindi isagoo ku socday deegaanka Kiunga markii shalay baqadii Qaraxu haleelay, sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Kenya oo diiday in magaciisa uu sheego sababo la xiriira inaan loo ogoleyn inuu warbaahinta la hadlo.

Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Toddoba ka tirsan ciidankii gaariga la socday ay dhinteen, sadex kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasoo la dhigay isbitaalada si loogu daweeyo, balse ma uusan sharraxin dhaawacyadooda nooca ay yihiin.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay inaysan jirin weli cid loo qabtay Qaraxa lagu dilay askarta Keeyaanka ah, balse waxay xuseen inay ka dambeysay weerarka kooxda Al-shabaab.