Alshabab oo La Wareegey gacan ku Heynta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose

0
43

shababXoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay Saakay isaga baxeen ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Shacabka ku nool degmada ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla bartamaha degmadaas, iyadoo ay Hadallo u jeediyeen Xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo Dadka ka dalbaday inay la shaqeeyaan.

Faarax Haybe Macallin oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland oo ku sugnaa Badhaadhe ayaa u sheegay VOA-da in Ciidamadooda iyo kuwa Dalka Kenya ee Qaybta ka ahaa AMISOM ay amar la siiyay uga baxeen degmadaas.

Al-shabaab ayaa Warbixino ay dhigeen Baraha Internet-ka ee Taageera waxay ku sheegeen inay si buuxda ula Wareegeen Gacan ku haynta Magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Kenya iyo kuwii Jubbaland.