Madaxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo Ka Qeyb Galey Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso

0
21

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galey xaflad lagu furayay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo dhawaan dayac-tir lagu sameeyay.

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka ayaa sheegay in hir-gelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu intaas intaa ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay dhiirri-gelinayso mashaariicda horumarinta dalka, isla markaana dhawaan ay gacan ka gaysatay mashruuca lagu dhisayo garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay dhanka siyaasadda iyo Nabad-gelyada ayaa sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la sameynayo horumarro la taaban karo, isla markaana maamullada dalka ka jira ay dadaal weyn ugu jiraan inay si buuxda u hantaan Ammaanka dhulka ay ka taliyaan.

Garoonka degmada Boosaaso ee gobolka Bari ee maanta la furay ayaa waxaa maal-gelisay dowladda Talyaaniga waxaana dhismihiisa fulisay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo magaceeda la yiraahdo CCECC.