Dooranihii Doornaa ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Shariif Xasan oo Maanta la Doortey

0
30

sheequnaWaxaa maanta magalada baydhabo ka dhacdey doorashii lagu dooranaayey dooranihii doornaa ee gudoomiyaha baarlamaanka maamulka shariif xasan taasoo aan horey qoraal uga sameyney in uu gudoomiyaha baarlamaanka noqon doono ninka maanta la doortey taariiqdu kolkey aheyn 30 bichii dec 2015 idinkoo weliba halkan ka aqrisan kara qoraalkaan ka sameyney http://daafeet.com/?p=23994.

Goobta doorasha ayaa waxaa soo xaadirey sida ku cad natiijada kasoo baxdey doorashada 142 xubnood oo intooda badan ahaa kuwo uu raali ka ahaa Shariif Xasan in marka horaba lagu soo daro liiska xildhibaanada.

Doorashadan ayaa waxaa la sheegayaa in tartanka ay u kala galeeyn Xildhibaan Xildhibaan Cabduqaadir Shariif Sheequna oo ah ninka shariif Xasan iyo kooxaha duulaanka ku ah deegaanka ay wateen sidii uu xildhibaan Xildhibaan Cabduqaadir ku sheegey qudbadii uu shaley ka hor aqriyey xildhibaanada iyo Xildhibaan Dr. Cali Xasan Cismaan oo isna ah qof keligii is wedey.

Gabagabadii doorashada maqaarsaarka ah ayaa waxaa ay kusoo dhamaatey in Xildhibaan Cabduqaadir Shariif Sheequna uu helo 109 Cod halkan Xildhibaan Dr. Cali Xasan Cismaan uu heley 33 Cod.

Si kataba arintu ha ahaatee siyaasada ay ku socoto koonfur galbeed ayaa weli waxey u muuqataa mid ka fog runta ayagoo masraxa siyaasada uu noqdey mid nin keligii ka teliyo inta kalana ay yihiin dad u hanuunsan odeygaas, Taariikhda ayaa sheegi doonta halka ay ku dhamaan doonto siyaasada wareersan ee ka socota koonfur galbeed ay dadka aan weli ka waantoobin dhibaatooyinkii ay u geysteen shacabka koonfur galbeed