Alshabab oo xaley Weerar Gaadmo Ah Ka Fuliyey Deegaanka Lamu ee Dalka Kenya

0
35

lamuUgu yaraan laba qof ayaa la rumeysan yahay inay dileen xoogaga Al-shabaab, kaddib markii ay weerar gaadmo ah la beegsadeen gaari kuwa xamuulka ah oo marayay deegaanka Mkunumbi oo qiyaastii 10-m u jirta Mpeketoni oo ka tirsan Lamu oo ka tirsan dalka Kenya.

Weerarkan oo dhacay fiidnimadii xalay ayaa waxaa labada qof ee la dilay la sheegay inay ahaayeen darawalkii gaariga iyo kaaliyihiisii [kirish-boygii], iyadoo kooxaha hubeysan ay gubeen gaarigii xamuulka ahaa sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu ka tagay deegaanka Makowe uuna ku socday Mpeketoni, isla markaana uu baabuurku waday shixnado dawooyin ah. Inkastoo booliisku Kenya ay diideen in gaariga ay iyagu lahaayeen.

Al-shabaab ayaa warbaahintooda soo dhigay qoraal ay ku sheegeen inay Lamu ku qaadeen weerar ay ku dlieen mid ka mid ah saraakiisha ciidanka Kenya ayna gaarigii uu watay soo qafaasheen.

James Ole Serian oo ah madaxa howlgalka deegaanka Boni oo isla la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in weerarku dhacay, balse ma uusan bixin faahfaahin intaas ka badan.