Gaari Ay La Socdeen Ciidamo Beeleedyo Ku Labisan Dareyska Dowlada oo Qarax Lagula Beegsadey Degmada Afgooye

0
134

qaraxWarar inaga soo gaaraya degmada afgooye ayaa sheegaya in qarax miino ah lala beegsadey qaar ka mid ah ciidamada kaasoo dhaawac u geystey ugu yaraan 7 askari midna uu ku dhintey

Ciidamada qaraxan lala beegsadey ayaa waxaa ay saarnaayeen oo Maraayay nawaaxiga Beerta Aadan Seeraar ee Degmada Afgooye ayaa Qaraxaan lala eegtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay arkayeen 7 Askari oo ku dhaawacmay Qaraxaasi, waxaana u soo gurmaday ciidamada Maamulka Degmada Afgooye oo dhaawaca Askartaasi meesha ka qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegaya hal Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda inuu ku geeriyooday Qaraxaasi.

Saraakiisha ciidamada Millateriga Dowladda weli kama aysan hadlin Qaraxaan lagula eegtay ciidanka Dowladda Duleedka Degmada Afgooye.