Shirka Dib u Hishiinta Beelaha Dega Gobolka Shabelaha Dhexe oo Maanta Ka furmey Degmada Jowhar

0
32

jowharMaanta waxaa gaarey Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/Dhexe Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumada Soomaaliya C/rashiid Xiddig.

Wafdigaasi oo ka koobkaa wasiiro iyo xildhibaano kasoo jeeda deegaanka ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen iyo ku xigeenada guddoomiyaha gobolka, guddoomiyaha degmada Jowhar C/qaadir Cabdulle Buurfuule, waxaana loo galbiyay howlka loogu tala galay inuu ka furmo shirkaasi.

Socdaalka wafdigan ayaa ujeedadiisu aheyd sidii ay halkaasi uga furi lahaayeen shir dib u hishiin ah oo loogu tala galay beelaha dega gobolka shabeelaha dhexe, Howlka shirka ayaa waxaa ku sugnaa odayaal dhaqameed iyo nabadoono ka soo jeedo qaar ka mid ah beelaha gobolka Sh/Dhexe iyo masuuliyiinta Gobolka Sh/Dhexe.

Shirka dib u heshiisiinta beelaha gobolka Sh/dhexe ayaa si rasmi ah waxaa u furay wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukumada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig, waxa uuna la dardaarmay odayaashii iyo nabadoonadii ka so qeyb galeen Furitaanka Shirka.