Shirka Wadatashiga hanaanka Doorasho 2016 oo Furmay

0
48

tashiShirka wada tashiga hannaanka doorashooyinka Soomaaliya sannadka 2016 ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada  Muqdisho, waxaana ka qayb galaya mas’uuliyiinta maamul Gobolleedyada dalka ka jira, Beesha Caalamka , Ururada Bulshada iyo xubnaha ugu sareeya ee Dowladda oo isugu jira labada gole.

U jeedada shirka ayaa ah sidii looga wada hadli lahaa hannaanka loo marayo doorashada la filayo inay ka dhcdo Soomaaliya sannadka 2016 .

Shirka madasha Wadatashiga heerka Qaran ee hannaanka doorashooyinka sannadka soo socda ayaa socon doona labo maalin iyadoo inta uu socdo laga wada tashan doono marxaladda kala guurka ee Soomaaliya 2016 iyo sida loo wajahayo Arrintaas.