Qaxooti Gaaraya 116 oo Iskood Isaga Soo baxay Xerooyinka Dhadhaab Dalkooda Dib Ugu Soo Laabtey

0
37

Qoxooti tiradoodu gaaraysay 116 qof oo ka mid ahaa Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku noolaa dalka Kenya ayaa maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Muqdihso, kuwaasoo si iskood ah u dalbaday in lagu celiyo dalkooda.

Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR ayaa xustay in qoxootigan ay ka mid ahaayeen kuwa ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya, Halkaasoo ay haatan ku jiraan Qoxooti Tiradoodu gaarayso 333,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah.

Guddiga saddexda dhinac ayaa kulmay 29-kii bishii July, iyagoo isku raacay in Qoxootiga doonaya in ay si iskood ah dib ugu laabtaan Waddankooda la Caawiyo. Iyadoo Heshiiskii Saddex-geesoodka ahaa uu dhigayay in la Caawiyo Qoxootiga doonaya inay Dalkooda ku laabtaan shanta sano ee soo socda.

Tan iyo Bishii December 2014-kii illaa Ogoosto 2015-ka ayay UNCHR Sheegtay inay si iskood ah Soomaaliya ugu laabteen Qoxooti gaaray 2,969-ruux, kuwaasoo qaar ka mid ah lagu celiyay degmooyinka Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo oo ku yaalla Koonfurta Somalia.

War-saxaafadeed ay maanta soo saartay Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR ayay ku xustay in Qoxootigan lagu Celinayo Goobo ay ka mid yihiin; Muqdisho, Afgooye, Balcad, Jowhar, Wanlaweyn, Beledweyne, Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo, halkaasoo ay ka helayaan sida ay sheegtay shaqooyin iyo sidoo kale Caafimaad.