Alshabab oo Maanta Xukun Gacan Goyn ah Ka Fulisey degmada Saakow

0
54

gacan-goynUrurka Al Shabaab ayaa xukun gacan goyn ah waxa ay ku fuliyeen nin dhalinyaro ahaa oo lagu eedeeyay inuu jabsaday goob ganacsi oo ku taallo Degmada Saakoow ee Gobolk Jubadda Dhexe.

Ninkaan xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahiim Cabdi Nuur Cabdullaahi oo lagu eedeeyay inuu jabsaday goob ganacsi isagoo ka qaatay alaabo qiimahoodu gaarayo 1374000 Sh.So. oo u dhiganta 62-kun doolar sida ay sheegeen guddiga qaadayay dacwada.

Xukunka gacan goynta ah goobta ay ka dhaceysay ayaa waxaa daawanaayay boqolaal dadweyne ah, kuwaasi oo la isugu yeeray fagaaraha Degmada Saakoow oo ay ku daawanayeen qaabka gacan goynta ay u dhaceysay.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa beryahan kasoo kordhaca goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada alshabab xukumo isdaba joog ah oo ay ku fulinayaan qaar ka tirsan shabaka oo ay sheegeen in ay geesteen dembiyo kala duwan.