Qurbo Joogta Kasoo Jeeda Degmada Awdheegle oo Si Xun Uga Soo Horjeestey Falkii Dhawaan ka Dhacay Degmada Awdheegle Baaqna U Direy Xukuumada Federalka

11
31

buundada AwdheegleKulan balaaran oo ay qadka telfoonka ku qabsadeen qurbo joogta kasoo jeeda degmada awdheegle ayaa waxaa lagu gorfeeyey Dhacdo fool xuma ah oo laba maalin ka hor ka dhacday Degmada Awdheele, dhacdadaasoo sameeyey Ciidamada jooga Degmadaasi oo si arxan daro ah ku TOOGTAY laba wiil, oo u dhashay deegaankaasi, ayagoo aan hubeysneen oo u socday arin ka sii horeysey oo ka dhacday isla dagmadaasi oo askartaasi ku toogteen labada wiil ayagoo u istaagay Jidka. Labadaasi will waxaa ay kala yihiin:

-Muxyiddiin Axmed Mukhtaar iyo
-Dhaahir Maxamuud Mukhtaar

Oo labaduba ay yihiin ilma adeero. Labada marxuum Allaha ha u naxriistee oo hadda warku sheegayo in la aasay- Waxaase xusid mudan ilaa hadda wax talaabo ah oo la qaaday ayna jirin- aanu ka aheyn duugistii Labadii wiil sida gardarada cad ah loogu dilay – .

Waxaana ka hadlin Mas’uuliinta Dowladda guud ahaan, gaar ahaan, kuwa khuseeya sida Arimaha Gudaha, ama Maamulka Degmada, iyo Oday Dhaqameedyada, iyo Xildhibaanadooda, oo ka soo jeeda Degmadaasi, xildhibaanadaasoo kala ah: Mud. Khaalid Cumar Cali iyo Cor. Axmed Mayoow Cabdulle loo yaqaano ( Kor. RUUSH) Taasoo lagu micneeyn karo Cabsi ay u qabaan kursigoodi, maxaa yeelay waxay ogyihiin in aanu marka horeba aanu soo dooran shacabka, oo un soo Qortay Xildhibaankii horay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo haddana isu magacaabay Madaxweyne. Iyo Ayagoo ku ah hadda mashquul Dhisadda iyo xulidda labada Gole Wasiir, kan Federaalka iyo kan Kuunfur galbeed, marka wax waqti ah uma hayaan Shacabkoodi iyo Deegaankoodi.

Haddab anagoo ku hadleyna magaca shacabka kasoo jeeda Degmada Awdheegle isla markaana ah dad aad u jecel nabada iyo Nidaamka Dowlad nimada waxaan ugu baaqeynaa xukuumada federalka qodobadan soo socda si xal buuxa loo helo:

1-    Haddii ay Dowladdani ay tahay DOWLAD, waa in sida ugu dhaqsiyaha badan, loola xiriiraa dadkii dhalay labada wiil oo la dilay, iyo in Raalli galin iyo Magdhow laga siiyo ilmahoodi

2-    In la soo xiro, lana waafijiyo sida Shareecadu Islaamka Qabto, oo aayad ka mid ah aayadaha Qur,aanka Kariimka uu noogu sheegey Rabbiga na abuurtay SW.( Wakatabnaa Fiihaa Annannafsa Bi nafsi– Ilaa aakhir aaya-) sidaan berito aaynu u dhicin Eexashadaan ku dhisan Qabiilka.

3-    In aan mar danbe la geeyn askar aanu u dhalan Deegaanka.

4-    In la soo Xiro Xoolaleeyda iyo xoolahoodaba la keeno Xafiiska Degmada oo qaabilsan arimaha Ammaanka, ayna ku xukumaan waxa sharciga qaba.

5-    In ay Dhalinyarada deegaanka daggan ama u dhashay ay ayagu is Abaabulaan oo ayna sameeystaan CIIDAN MADDANI ah, oo ayna waxba ka sagin DOWLAD.- Haddii Dowladdu ay diyaar u tahayna in ay ka qeyb qaadato ay u furantahay taasina, laakiin aan lagu xirnaanin.

Waxaa xusid mudan- in Xoolaleeydan – sharci ka yaalay Xilligii Degmadaasu xukenkeedi hayey nimanka loo yaqaano DHALINYARADA, waxaa kaloo og taas, Dowladda Naftirkeedi.

Waxa aan sugno waa CADDAALAD iyo ACTION, wixii soo kordhana kama xishooneyno in aan Dadka deegaanka aan Afkooda ku hadalno mar kasta iyo waqti kastaba.

11 COMMENTS

  1. Digiloow meesha dowlad ma jirtee qoryaha ha la qaato oo aan isgarabsano. ideey qof kuguma daayo ee aan is deyno kugu daayaa.
    Walaalaheygow qoryaha qaata ileyn igama liidataanee. aniga wiilasheyda iyaga dagaalama dhimanayaan kuwii digil dhulkoodii lagu dilayaa.
    Dhinta idinka oo deegaankiina difaacanaya waa iga talo.
    Balanteenu waa difaaca gobolkeena.
    Wabilaahi towfiiq
    from Halgamaa Biimaal.

  2. Bismilaah,
    Ugu horeyntii laba wiil wiilasheena ama walaalaheena ah, ina adeerta ah Illaah u naxriiso dhammaanteena sabar Illaah naga siiyo.
    Waa run arintaan oo kale marar kalena deegaanka way ka dhacday, lakin deegaan waa in loo helaa siyaasad cad dhinaca dawlada iyo shacabkaba oo ah iska warqabka isu gar-gaarka, u xiilid iyo horumarka intaba anaka mar waliba indhaha ayaan ku haynaa laakin waxaa fiicnaan lahayd dadka arintaan khusayso ama dadka deegaanka ka soo jeedo inay fikradooda hal meel inay ku urursan tahay dhibkana waa wax muddo dheer soo jirey runtiina aad ayey u dhib qabaan ummada meesha degan hadaan nahay qurbo joogtada kama war hayn qof waliba dhibka reerkiisa ku dhaco ayuu ka war hayaa keliya.
    Min fadlakum ila soo xiriira si xog dhab ah loo helo, fikrado loo helo, marka warka la helo ayaa talada la heli doonaa inshaa Allah. Deegaanka dhibaatooyin kale ayaa ka jiraan sida horumar la’aan, ka war hayn la’aan iyo lug gooyada dowlada, wax yaabo kaleba ka jiraan lagu haayo intaba.
    Waxaadna ogaataan labada xildhibaan aad sheegteen arinta aad iyo aad ayey u khuseysaa waa run laakin meeshaani kuma cado in xiriiro lala yeeshey ama arintani ku dhex jiraan, isku daya inaad la xiriirtaan, xiriir joogta ah sameysaan, ayaga keliya ma aha xiriiro la yeesha madaxda degaanka, wax garadka iyo qofka aad is leedihiin inuu waxtar ka wado, ummadaan anakaa wax u ah yawmul qiyaama la ina su’aali doonaa maxaa u qabateen maxaad ku tarteen aqoontiina maxaad u gudbiseen ma ugar-gaarteen Illaah asagoo og ayaa la ina weydiin doonaa ee arintaan yaan la yareysanin hadda wax haloo qabto aniga waa diyaar inshaa Allah.
    Qof walba qoraalkiin akhristo xil ha iska saaro sidii wax uun u sameyn lahaa, haddii fikrado talo iyo wax qabad u baahan tihiin,Ila soo xiriira
    hamoalim@hotmail.com

  3. Bagadi waa iyaga shariif sakiin daba ordaaye oo u maleeynay inuu jano geeynaayo ha arkeen gudoomiyaha shabelada hoose nin hawiyaa buu u soo wadaa shariifka

  4. waan u tacsiyeeyneenaa dadka xaq darada lagu dilay waxaase ka xumahay khalid&kornel ruush oo aan ka hadli karin arintaan runta markii la taabto bagadi waxeey ahaayeen dadka maamulka shariif fircoo soo dhisay ayaga iyo tuni hadana shariif fircoon gobolka sh/hoose waxoo kala tashtaa hawiye digil wax layiraahdo maba aqoonsana

  5. asc dhaman asxab fikikega xadan kadhiibto anega waxan leyaxay qaniinyo qaniiyo ayey ka celisaa wayo walalexey reer awdhekle wan u tasiyeyna lakin qlad wen aya kajiro qoralkina wan arkey waxa ku dhaxden dhilinyarada is ababulu xadey is abaabula adna waxa laga rawa inad u furnaato jaabkada asigana wa inu u a xaada waxwaliba anagana jaabkena xalofuro ninwaliba wuxu rawa lawo makiino shanber wa wen qorini malalxan arintasi wax soconkaro macaxan walaleya baryitinka iska dhaf qoryaha qaata anega fikirkega wa inta asxabteyda bbbbbbb

  6. Alla ha u naxariisto wiilasheenna, waxaanna allaha weyn u weydiineynaa inuu naxariistii jannada fardowsa uGu abaal gudo annagoo dhanna (waalidiintooda)Samir iyo iimaan allah awoodda leh naga siiyo aamiin.
    Dadka kursigooda ilaashanaya oo ma’uuliyadda qaadayna oo aan xilkooda gudaneynin ha ogaadaan inaaney any more ku sii fadhiyi doonin kuraastaas, shariifka meesha keensaday baydhabo ha uGu tagaan.
    Shariifkana waxaan uGu baaqaayaa inuu arintaan wax ka qabto iska daa hawiye loo soo magacaabo awdheeglee kuwa dhex jooga baan iska sifeyneynaa haddii uu soo magacaabana ha ogaado inaan annagaba dowlad gaar ah sameysan karno haddaan nahay beelaha dega sh.hoose oo aananan ka mid noqon doonin saddexda gobol ee uu soo dhisayo shariifka.
    wabillaahi towfiiq

  7. Allaha u naxariisto wiilasha ku geeriyoodey waxaan u sheegayaa dhamaan reer awdheegle ushii walaakaaga lagu dhufto adigana wey ku sugeysaa aad baan uga xumahay in gurigiina la idinku dhex dilo dayuusnimada diinta ma ogala waxaan shantaada kaa reewin sharci kaama celiyo ee gumeysi haku noolaanina .inaas waa iga waano waxaan Alle ogoleyna ha sameynina .Tan kale dowladeena sharafta leh waxaan u soo jeedinayaa in dadkeena la dulmiyey dad nawada jecel weligoodana aanaan lagu tilmaamin waxyaabaha hada la caadeystey qawiilka iyo dad neceebka oo qof kastaba qawiilkiisa keliya uu yaqaano anaga soomaali dhan waa iskukeyna mid ee dulmiga hanalaga dayo.Gaar ahaan dadka na metelaayow jiifka ka kaca mushaharkiina siduu xalaal idinkugu noqdo oo metelaadiina ha ahaato mid sax ah.Reer awdheegloow waad is xukumi kartiin qofna wax idima dheera isku kalsoonaada rag waa kii gurigiisa u tashan karaa. doonimeyno gumeysi waxaa la joogaa 2015 ka jahliga iska saaraa.wabilaahi towfiiq

  8. Ugu horeentii ilaah ha inga siiyo samir iyo iiman badan geerida kulul ee nagu timid Ilaahayna ha u naxriisto dhalinyarada meesh lagu gumaaday shabaabka janada allah ka dhigo.waxaan halakaan cambaaryn kulul uga jeedinayaa inata xilibaan ee magacyadooda halkaan lagu xusay oon fikir iyo ficil midnaba aan ka dhiiban arintaaasi fool xumada ah. Waxaan codsanaynaa hadaan nahay dadka deeganka awdheegle dagan in gacan ku dhiiglayaasha geestay falkaan xun la mariyo cadaalada waa haday cadaalad jirto.
    waxaan kaloo ugu baqayaa dhalinyarada dagan awdheegle in ay is xilqamaan oo gacan bir ah ku qabsadaan deegankooda.
    Walaahu waliy attawfiiq.

  9. inaa lilaahi wa Inaa ileyhi raajicun,
    Ilahay ha unaxariisto janadii fardowsa haka waraabiyo wiilasha qacanta ka xaqadarani dishay dhamaan familkana samir iyo iimaan illaahay hakasiiyo.aad ayaan uga xunahay arintaas foosha xun ee Lagula kacay wiilashaa walaalaheena Ee xaqdarada lagu dilay waliba dadka dilayna yihiin cidamo dawlada katirsan Sababta ay udileena aanlakasayn. Nimankaa dilayna waa in sharciga lahorkeeno dawladuna Si dagdag ah arintaa wax uga qabato.

  10. shariif iyo barasaab iyo gudoomiye dagmo intaan la gaari odeyaasha dagmada iyo suldaankooda buuwe bafuufle. kama hadlin dhacdada xanuunka leh ee ka dhacdey deg. awdheegle dhamaan inta kor ku xusan waxaan idinkugu waaninayaa kursigiina inaad ilaashataan maxaa dhacay. madax weyne waa abgaal . kan beerta umada digil daaqaaya waa abgaal kan wiilasha dilkooda amrey waa abgaal hadaba intii xilka la idinka gaadi lahaa shacabkkina hala xasuuqo . shacabka lacag ka aruuriya dolada u geeya si dalacaad u heshaan .

  11. Hadalkaan dhihi lahaa horaa walaalkeey Yuusuf Osmaan u yiri. Hadalkiisna aan ku raacsanahay. “Kursigiina ilaasha”…

Comments are closed.