Bananbax Ay Laba Qof Ku Dhinteen oo Maanta Ka Dhacay Degmada Guriceel

0
40

guriceelBanaanbax rabshado wata ayaa maanta waxaa uu ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, kaasoo ahaa mid lagu taageerayay ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Banaanbaxan ayaa inta la ogyahay waxaa ku geeryoodey Labada qof kuwaasoo midna ahaa wiil yar iyo gabar yaroo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii bananbaxa sameynayey, iyadoo xubno ka tirsan maamulka degmadaas ay sheegeen inay hadda xaaladdu tahay mid deggen.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in markii mudaaharaadku uu degmada ka billowday ay ciidamada degmadaas ku sugan billaabeen inay rasaas kala duwan furaan, taasoo sababatay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah.

Wararka ayaa intaas raaciyay in dibadbaxyaashu ay xarunta degmadaas u galeen gudaha ayna jajabiyeen dhammaan qalabkii xafiisyada ee halkaas yaallay, taasoo keentay sida la sheegay inay ciidanku xabado ku jawaabaan.

Daafeet.Com