Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Booqdey Dhismaha Cusub Ee Airporka

0
20

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa kormeeray dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu wado, kaasoo ay fulinayso shirkadda FAVORI oo laga leeyahay dalka Turkiga.

Kormeerka Xasan Sheekh uu ku sameeyay dhismaha garoonka ayaa waxaa ku wehlinayay mas’uuiyiin ka tirsan dowladda, isagoo amaanay dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaaso uu sheegay inuu dhawaan la dhameystiri doono.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kormeer ku tagay dhammaan qaybaha la horumarinayo ee garoonka oo ay ka mid yihiin terminals-ka, kuwaasoo ay ka muuqdeen dhamaan adeegyada looga baahan yahay garoon diyaaradeed.

Injineerrada dhismaha wada oo u dhashay dalka Turkiga oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo laba bilood ah ay ku howlgeli doonaan Terminals-ka garoonka Muqdisho oo noqon doona mid wiji cusub u fura dhammaan horumarrada Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

 

Daafeet.Com