Maqaal By Abdul:- Soomaliya iyo Burbur Cusub

0
40

burburSoomaaliya waxaa ay ku dhowdahay iney burburto markale. Waxaa isweydiin mudan waxa keenaya in wadankan quruxda badan oo ay rajo ka lahaayeen malaayiin muwadiniin Soomaali ah in niyad jab iyo jahwareer ay galaan markale.

Waxaan dhihi karaa waxaa ugu horeeya in siyaasaddii federalka ay wareer gasho madaxweynaha 4.5ka lagu soo doortey ee Xasan Sheikh Maxamuud. Madaxweynahani ma ahan shakhsi wax ku soo bartey dibadda gaar ahaan Europe ama Mareykanka, sidaa daraadeed, mafahmi karo dabeecadaha reer galbeedku ay kula dhaqmaan dowladaha saboolka ah. Talooyinka ay usoo gudbiyaan dadka aqoonta leh ee dibadaha wax ku soo bartey oo dalka daacad u ahna, ma qaato. Maxaa yeelay wuxuu aaminsanyahay inuu yahay qof ka aqoon badan marwaliba raga dibadaha ka yimaadana ay yihiin loosers.

Tusaale ahaan, ardada wax ku barata Soomaliya, ee yiraahda jaamacad soomaliyeed baan kasoo baxay, marwaliba waxay aaminsanyihiin iney aqoon sare haystaan ayna ka aqoon badan yihiin ardada dibadda wax kasoo baratey, ayagoon weligood arkin waxbarashada dibadda.

Waxaa hubaal ah oo marag madoonta ah in wadankani nabadda yer hada uu heysto Ilaah kasokoow ay suurta geliyeen ciidamadaan ajaanibta ah ee maal geliya quwadaha hada aduunka maamula ee uu horseedku kayihiin Mareykan iyo Ingiriis. Micnaha loo keeneyna keliya ama’ahan iney nabad abuuraan, Soomaliya dhisaan, dowlad mustaqil ah u sameeyaan, kadibna u faaruqaan oo dadkeeda ku wareejiyaan amuurahooda.

Qarash badan oo badan ayaa lageliyey, waxayna rajeynayaan quwadaha waaweyn iney dib uhelaan waxay geliyeen iyo wax aad uga badanba. Marka nin asagaba madaxtooyadiis lagu waardiyeeyo oo madaxwenye  ayaa tahahay layiri inuu hadal kamaqli waayo ragaas, oo uu danta umadaan masaakiinta ahi fiirin waayo, waxay ila tahay inuu u qalmin inuu sii ahaado madaxweyne soomaaliyeed waqtiga hada lagu jiro. Waayo wuxuu noo wadaa waa halaag iyo hoog.

Dowladda Qadar ayaa awalba kadambeysey in loo gado kursiga madaxtinimada soomaaliya, Faarax C/qaadir ayaana dalaal ka ahaa, marka hadana Dowladda Qadar ayaan dooneynin in C/weli Seikh oo Sucuudi kudhow uu sii ahaado Raiisal wazaare. Waxaa kaloo qaskan wada oo ku faraxsan labada dowladood ee deriska ah oo ayagu marweliba ku doodi jirey in Soomaaliya lagu aamini Karin iney iskeeda isu maamusho ee ay rabeen in sanooyin badan sidii ay aheyd lagu wado oo kii utagaba qoryo usoo siiyaan si ay umadani ubaaba’do.

Dowladda dhanka galbeed naga xigta ayaa ugu daran oo iyada qudheeda kor ay ka maamulaan qoladaan Masjidka Al-Qudus heysata oo si dhowna ay ula shaqeeyaan dowladda Qadar. Marka dowladda Qadar wixii nimankaan Qudus heysta usoo dhiibaan ayey socodsiiyaan ileen si toos ah ulama soo xiriiri karaan ayaga keligood waayo shaki ayaa imaanaya. Marka nin carab ah oo weliba dowlad qani ah kasocdo oo kuleh danahaaga ayaan wadaa oo isku diinbeynu nayahy ayaa leyska aaminayaa oo weliba lagu dhegan yahay sidii awaamir muqadas iney keeneen kadaran. Waa raggii sameeyey dhaqdhaqaaydan diimeed ee Somaliya kasocda oona maalgeliya si umadaan loo fidneeyo. Marka waxaa cad in Soomaaliya markale mugdi lagelin rabo oo qatartuna ay kasocota madaxtooyada ayagoon fahamsaneyn meesha ay u socdaan iyo shirqoolka qaran ee lala damacsanyahay.

Waayihii hore Mareykanka ayaa diidi jirey wixii soomaliya dan u ah kadib dhacdadii 1993gii ee lagu baaba’ayey dad badan oo ay ku jiraan 18 askari, oo marwalibana arimaha Soomaaliya kaga dambeyn jirey labadaan dowladood ee deriska ah. Labada dowladood ee deriska nala ahna waxay aad uga fiideen burburkii 24 kii sano ee tagey, laakiin hada wuxuu usoo jeestey inuu asaga maamulo oo Ingiriisna u yeerto. Uganda oo aan xuduud wadaaginna kala tashto amuuraha soomaaliya. Labada derisna waxay aad uga xunyihiin in amuurihii Somaliya lagala tashto Uganda ayna dhaqaalihii joogtada ahaa ay heli jireena loo wareejiyo Uganda. Marka hadii laburburiyo xaaladaan wanaagsan ee dalku hada kujiro oo taladeenii markale lagu celiya labada dowladood ee deriska ah, waxaan filiyaa in magicii soomaaliyeed uusan sii jiri doonin.

Dowladda Ingiriiska iyo tan Mareykanka oo yiri Somaliya inagaa hagaajineyna markaan, oo xitaa Meles Zenawi kabiya diidey oo meeshuu marey la’ogaa, ayaa hada madaxweyne lasoo gadey raba inuu hadal ka dhageysanin oo umadaan masaakiinta ah labaatan sano kale raba inuu geliyo dhib iyo qax. Wuxuu aaminsanyahay inuu Madaxweyne kumeelgaar ah uusan aheyn, laakiin wuxuusan isweydiinin inuu dal iyo dadba xukumo iyo in kale.

Raiisal wazaare hore ayey is fahmi waayeen oo uu geeyey barlamaanka si kalsoonida loogala noqdo. Waxaa su’aal ah waa maxay waxa leysku fahmeynin? Dastuurkii u yaaley oo sanado lasoo qoraayey aawey? Golihii sharci dejinta ee la rabey iney ilaaliyaan sharciga aawey?

Waxaan filayaa hal xaaraan ah, nirig xalaal ah madhasho, maxaa yeelay, dad muslimiin ah oo lagu soo wada dhaariyey Kitaabkii Alle oo laaluush iyo musuqmaasuq ku jira mar waliba oo dhaartii danta dalka iyo dadka ubedeley danta gobolkeyga iyo qabiilkeyga iimaan laga sugi maayo ileen kitaabkii ayaa ku dhegan.

Hadda iyo dan:

Mudanayaasha barlamaanka Ilaah haka baqaan oo dhaartii ay buriyeen kafaaradeeda ha baxiyeen. Labadaan mas’uul hadey wada shaqeyn la’yihiin, laba mas’uul kale hala keeno oo dal iyo dibadba aqoon uleh oo ugaas iyo malaaq toona lagala tashaneynin si wadankani loo badbaadiyo.

Labadaan mas’uul qran waxay isu bedeleen Mas’uuliyiin qabiil oo Mas’uuliyiin soomaaliyeed ma’ahan. Gudoomiyaha barlamaanka laftigiis qaskani waxbuu kawadaa ee mid kale ka caadilsan hala raadsho oo sedexdaan haleys raacsho weysadii wey ka burtey oo attaxaaydkii ugu dambeeyey ayey hoos wax ka daayeen.

 

By: Abdul

I can be reached at:

abdulfashion@yahoo.com