Ciidamada Amisom oo Lagu Edeeyey Iney Kufsi ka Geysato Qaar Ka Mid Ah Deegaanada Ay Ku Sugan Yihiin

1
33

amisonWarbixintan cusub ee kasoo baxday hay’ada HRW ayaa shaacana looga qaaday xadgudubyo xaga jinsiga ah iyo kufsi ciidamada midowga Africa ka socda ee AMISOM ay ka geystaan gudaha Somalia. Iyado warbixintan ciwaan looga dhigay “Sida Raggani ay noogu awood sheegtaan”.

Ciidamada AMISOM ayey HRW waxay leedahay” Waxay geystaan xadgudubyo dhanka Galmoodka laxariia ,iyo kufsi waxaana si cad hay’adu ay uqeexday in AMISOM ay kufsadeen ,Galmo ahaana ay dhibaateeyeen haween ciidamada AMISOM usoo raadsaday Kaalmo bini aadanimo sida daawooyin iyo biyo.

Hay’ada ayaa ku eedeeneesa madaxda Midowga Africa iyo AMISOM qaabka ay u taageeraan falalka guracan ee ay ciidamada AMISOM kula kacaan haweenka somalida ah, ee kaalmada uraadsada iyadoo taasi HRW ay wal-wal kamuujisay.

Askarta warbixintu ay soo qaadaneeso ee lagu eedeeyay in ay dhibaateeyeen haweenka somalida ayaa ah kuwa kasoo jeeda dalalka Burundi iyo Uganda oo qeyb ka ah kuwa AMISOM ee Somalia,waxana hay’adu ay codsaneesa in Gudi madax banaan loosaaro arintan oo baaritaan kusameeya.

Tani a’ahan markii ugu horeesay ee AMISOM lagu eedeeyo in ay kufsadaan islamarkaana tacadi xaga galmoodka ah ay lasameeyaan haween Somali ah oo gargaar bini aadanimo udoonta xarumahooda Somalia ay kuleeyihiin.

 

 

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.