Xukuumada Cabdi weli oo meel marisey sharciga canshuuraha beriga

0
32

golahaRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan uu yeeshay Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, kaasi oo lagu ansixinayey hindisi-sharciyadeedka Tariifada Canshuuraha Berriga.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Ferderaalka ee Soomaaliya, ayaa kaddib dood ay yeesheen waxa ay cod aqlabiyad ah ku meelmariyeen hindise-sharciyadeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyaddu, waxana la filayaa in tallaabadan ay wax ka tari doonto dadaalka Xukuumadda Soomaaliya ee kor-u-qaadista dakhliga Dowladda si adeeg loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

Canshuuraha berriga ee ay qaaddoo dowladdu ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah canshuuraha toosan iyo kuwa dadban.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Cabdiwali Shiikh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in si loo taabbageliyo dowladnimad Soomaaliya loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay bixiyaan canshuuraha ku waajibay.
Daafeet.Com