War Deg Deg ah:- Kooxdii ku hungoobey maamulka 3 gobol ee Baar bakiin oo kala dareerey

6
25

breaking nWararka goordhow naga soo gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in Odayaal u badan Beelaha Digil ay kasoo baxeen Riwaayadii kasocotay Baar-bakiin ayna soo gaareen Xarunta ADC-da ee uu kasocda Shirweynaha Koonfur Galbeed.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in kasoo bixida Odayaashaan Baar-bakiin ay ka danbeysay warkii dhawaan kasoo yeeray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/laahi Goodax Barre ee ahaa inaysan aqoonsaneyn Shirarka kasocda Magalaada Baydhabo.

Odayaashaan ayaa mar qura ku baraarugay wareysigii uu dhawaan VOA-da siiyay Wasiirka Arimaha Gudaha ee ahaa inaysan Xukuumada Muqdisho aqoonsaneyn Shirarka kasocda Bayhdhabo.

Markay Odayaashaan soo gaareen Xarunta ADC-da ayaa waxay codsadeen in laga cafiyo khaladaadkii ay ka galeen umadooda, ayna diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan dhameystirka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Guddi u saaray sidii loo soo dhaweyn lahaa Odayaashaan kasoo laabtay Fikirkii guracanaa ee Sharwade Sheekh Aadan iyo Shiine Iley.

Baar-bakiin ayaa hada waxa isugu soo haray Calooshiis u shaqeyste Shiine Iley iyo 10 Oday oo u badan beelaha Mirifle.

 

Daafeet.Com

 

 

Daafeet.Com

6 COMMENTS

  1. markasta qofki qaldana hadu qirtay wan sodhowaynayna umadan kalaqeybinteda gor hore aya luguso dalay xaqa aya sodahiray marka wailahey mahadii haday runta arken golahagurtidana waxan lenahay hala iskacafiyo calol fiyow kusora dantena waa midnimo konfur galbeedna waguushii dad badan ayku hamin jireen o ugeriyoday iyo kuwa nolba halais cafiyo ilahey waxan waydiisanayna towfiiq ducada walagu gulaysta guul inta ku hartayna waxan urajeynaynaa inayku daysadan mar kasta dantena wa hal ciidan deg deg lohabeyay iyo uamadan cadowga laga kiciyo iyo hormar ayan hiigsanaynaa guul dowlad gobaleedka kon fur galbeed

  2. waryaada eelaay waqtiga ha iska qaadina, weligiin idiin aqoonsan meyno, Hawiyana waxay qaadanayaan Sh/Hoose, Dhanka kale Daarood na waxay qaadanayaan J/Hooose, aaaac & uuu, midaa rabtaan dhaha, Qoladaan 3-da Wada ayaana si kumeelgaar ah u taageereynaa!!!!!!

  3. ninkaa wato maga hawiye iyo daroot sxb waxaan kuleyahay dadka dhuulkooda laboobi karo makulanahay sxb.waad qaldameee mida kale hadaad hadlee hadal murti ah ku hadal mise iska aamus mida kale lawada aawiil aqoon mu uleedahay iney hashiish yihiiin

  4. digil iyo mirifle is gacan qabsada cid ilaahey aheyn oo wax idinka qaadi kartoma jirto kuwa baarbakiinooshanta qof ahna weli jaanis ayaad heysatiin sooraaca walaalihina. dabaalkaan hawiye iyo daarood sooqortey horta waxaan dhihi lahaa yaa kuyaqaano yaana ku dhaley soomaalidhalad waa digiliyomirifle,

Comments are closed.