Codsi ka yimid qaar ka mid ah Musharaxiinta MGS ee K/G oo lagu gacansayray.

3
28

malaaqKulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Xubnaha aqalka sare ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed iyo Gudida Doorashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa ayaa waxa uu maanta ka dhacay xarunta ADC-da magaalada Baydhabo.

Kulankan oo ahaa mid ay diirada ay ku saarayeen codsi kaga yimid qaar ka mid ah xubnaha tartanka ugu jira qabashada xilka Madaxweynaha KoonfurGalbeed kuna aadanaa in la dhimo lacagta Rahanka ah ee uu Gudiga doorashadu shardiga uga dhigeen oo ahayd $5000.00 lagana dhigo $2500.00.
Xubnaha soo jeediyay oo kala ahaa
1-Maxamed Cali Xaamuud.
2-CabdiFataax Maxamed Ibraahin(Geeseey)
3-Cabdulaahi Maxamed Idiris(Leesto)
ayaa waxay ku doodeen in ay lacagta ay aad u badan tahay misna ay rajaynayaan in la dhimo ugu yaraan laba dhig dhig ahaan.

Gebagebadii kulanka ayaa waxa Xubnaha aqalka sare ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee KoonfurGalbeed iyo Gudida Doorashada xilka Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa ay isla garteen in aan lacagta la dhimin misna Musharaxii shuruudaha fulinwaayana aanu musharax noqon doonin.
Si kasta oo loo dhigaba waxaa hubaal ah in musharaxnimada maamul goboleedka KoonfurGalbeed shuruudaha loo dhigay ay yihiin kuwo ay ku soo bixi karaan oo kaliya musharaxiinta u taagan inay dadka iyo dalka wax taraan.

3 COMMENTS

  1. geesey yaa u baahan wa rufiyaan shariif hasan wa wada ognahay lacagtaas wa hayaa lakin haasidnima ku jirta geesey iyo haamud saan ognahay wsc

  2. Asc waa run arinta golaha ay soo jeediyeen musharax kasto waxaa laga rabaa inoow Qan ciyo oo dadka ay ku far xaan wali waxaa u harsan dadka inaad gadato aat dhahdo igu shub walaaloow hadii kale is katak dadka awoodo ayaa joogee

  3. Asc war lakasaaw waako musharax hooba nagadaaw lanka beesa ha haayooy hooba an hayne meela ku tab il huma mal ku fadaaw tartan iyee li fadee
    Dadaa haaye bidaarta intii dhiibaan ma fadaayaan hoo madawiine fadaa saan dadka gadooy bidaarta Qeebii hoo guuleysato sii lafadaayii hoo lokoo badiyo mar kalee halaase

Comments are closed.