Ciidamada Dowlada iyo kuwa Alshabab oo xaley ku dagaalaey Degmada Mahadaay

0
27

dagaalDagaal culus oo khasaare geystay ayaa xaley ka dhacay degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ee gobolka Shabeellada dhexe, kaasoo u dhexeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab, iyadoo xooggagga Al-shabaab ay u suurogashay inay la wareegaan deegaannadan.

Inta la ogyahay 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay iyadoo ay ku dhaawacmeen labaatameeyo kale, waxaana dagaalkan uu ahaa kii ugu cuslaa ee Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmara gobolka Shabeellada dhexe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa u sheegay saxaafadda in ciidamada Al-shabaab ay si buuxda xalay ula wareegeen degmada Mahadaay ayna saakay aroortii isaga baxeen degmada.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay inay saakay aroortii ay iskood uga baxeen degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane oo sannadkii hore lagala wareegay, iyagoo horay u sii kexeystay gaadiid ay lahaayeen saraakiisha dowladda iyo ciidamadii ku sugnaa degmadaas.

Degmada Mahadaay iyo deegaanka Buurane ayaa saakay dagan iyadoo ay dib ugu laabteen ciidamadii dowladda ee xalay laga saaray, waxaana hadda ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo indho-indheynaya goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.

 

Daafeet.Com