Wasiirka Arimaha Dibada Fowsiya Xaaji Adan oo been abuur ku tilmaantey lacag la sheegey iney lunsatey

0
21

foosiWasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa war been abuur ah ku tilmaantay warar si qaldan loogu baahiyay bogaga Internetka oo ahaa in wasaaraddu ay dhaqaale lunsatay.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi gaar ah siisay Warbaahinta Dowlada ayeey kaga hadashay waxqabadka wasaaradda ee sanadki hore, iyadoo intaa ku dartay in wasaaraddu ay guulo waaweeyn ka gaartay xiriirta caalamka.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaadday dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ku heysta wadamada kala duwan ee caalamka iyadoo tilmaantay in wasaaraddu ay wax weyn ka qabatay arrimahaasi, waxeyna hoosta ka xariiqday in ay dadaal u galeen soo daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku go’doonsan koofurta Sudan.

 

fowsiya Xaaji

 

Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkaada

 

fowsiya Xaaji Mobil

 

Daafeet.Com