Madaxweynaha dowlada federalka oo sheegey in ey Amniga wax ka qaban doonaan

0
24

xasanXasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday arinta ammaanka iyo sida Dowladiisa ay wax kaga qabanayso amniga dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada amaanka howsha ay hayaan ay tahay sugida amaanka aysan yareyn balse waxa uu sheegay in qaraxyada magaalada ay sabab u yihiin qalab yari iyo dadka falalka amnidarada gaysta oo aan dadka laga dhex saari karin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga uu yahay mid muuqda iyo mid niyada dadka ah, waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay ka qeyb qaadato amniga iyada oo dadka u sheegeysa in marka laga tago qaraxyada dhacaya in badan oo ka mid ah ay ka hortagtay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba arintu ha ahaatee qaraxyada ka dhacaya madalada muqdisho iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka ayaa beryahan dambe kusii badanaya magalada taasoo ey dowlada awoodi ladahay sidii ey u xakameyn laheyd amni daradaas.

Daafeet,Com