Wasiirka Arimaha Dibada ee Turkiga Ahmet Davutoglu oo cambaareeyey werarkii shaley

0
27

Ahmet-DavutogluWasiirka arimaha dibada dowlada Turkey Ahmet Davutoglu ayaa caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxii maanlintii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay ku dhinteen ciidamo dhanka amaanka ah oo Turkish ah weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, sida lagu daabacay wakaalada wararka ee dalka Turkey.

Wasiirka arimaha dibada oo qoraal soo dhigay bartiisa internet-ka ayaa sheegay in sarkaal ciidan oo ku shahiiday weerarkii ka dhacay afaafla hore ee dhismaha guriga ay degenaayeen shaqaalaha safaarada, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay daabuleen gaadiidka gurmadka deg dega ee Turkey, waxaana afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada uu sheegay in markii weerarka uu dhacay wasiirk arimaha dibada uu lasoo xiriiray safiirka Soomaaliya u joga ee Kani Torun.

Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho aydoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in ey turkiga oo aan dagaal kula jirin ey ku weeraraan safaadooda.
Daafeet.Com