Ciidamada Amisom oo maanta Miino kula qaraxdey Magalada Kismanyo

0
25

miinoGaari ay wateen ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaaladaas.

Qaraxyadan oo ahaa laba qarax oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Sierra Leone burbur xooggan u geystay, iyadoo la sheegayo inay dhismasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamadii la socday gaarigaas, halka ay wararka qaarkood sheegayaan inay ku dhinteen shan askari.

Ciidamadan ayaa lagu weeraray xaafadda Faanoole gaar ahaan agagaarka majidka Xaaji Jaamac, iyadoo qarxa kaddib ay dhacday rasaas aad u fara badan oo ay ciidamadu fureenkaddib markii ay qaraxyadu dhaceen, taasoo baqdin gelisay dadka xaafaddaas ku nool.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone ay wadeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku dhex-galaan dhinacyadii shalay ku dagaalamay gudaha magaaladaas oo weli ay xiisadi u dhexeyso.

 

Daafeet.Com