Xildhibaan C/rahman Xoosh oo ka mid ah xildhibanada ku sugan Kismanyo oo sheegey in Axmed madoobe uu ogoladey shirka lagu qabanayo Muqdisho

1
35

xooshXildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo xubin ka ah wafdiga dowladda federaal-ka ee Soomaaliya ee Kismaayo jooga ayaa sheegay in maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu aqbalay inuu u hoggaansamo war-murtiyeedkii IGAD ee farayay in dowladda looga dambeeyo gudashada waajibaadkeeda.

Wuxuu intaasi raaciyay Xildhibaan Xoosh Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland in waftigoodii ku sugnaa Magaalada Kismaayo ay kulamo isbada joog ah la qaadanayeen Maalmihii ugu danbeeyay Maamulka Axmed Madoobe, isagoona intaasi raaciyay labada dhinac inay waxyaabo badan isku afgarteen.

Xoosh ayaa sheegay in wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen kaddib ay isku af-garteen inay wada-jir uga shaqeeyaan xallinta arrimaha murugsan ee gobollada Jubbooyinka, in dowladda dhexe ay hoggaamiso arrimaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wariyaasha ayaa sidoo kale Waydiiyay Xildhibaan Xoosh Warar sheegaya Xildhibaanada Kismaayo ku sugan Magaalada inay ka abaabulayaan Ciidamo magaca dowladda ku howlagala, wuxuuna kaga jawaabay arintaasi inaysan ahayn mid sax ah Xildhibaanada Qarankuna ay yihiin Sharci dajiyaan ee aysan ahayn Saraakiil Ciidan.

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.