Sarkaal u hadley Mareykanka oo xaqiijiyey in diyarada laga lahaa mareykanka

0
28

drone_3Diyaarad Mareykanka laga leeyahay ayaa ku burburtay dalka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka, kadib markii diyaaradaasi ay iskeeda usoo dhacday.

“Waxaan xaqiijin karaa, in diyaarad nooceeda tahay RPA oo meelaha fog laga hago inay ku dul buburtay meel kamid ah koonfurta Soomaaliya”sidaasi waxaa sheegay saraakiil ka tirsan waasaarada difaaca Mareykanka oo magacooda ka gaabsaday.

“Arintan baaritaan ayaan ku heynaa” ayuu mar kale sheegay sarkaalka oo la hadlay wakaalada wararka AFP.

Sarkaalka ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ka bixiyo qaabka diyaarada ay u dhacday inay aheyd mid Al-Shabaab ay soo rideen iyo inkale.

Daafeet.Com