Wadooyinka waaweyn ee magalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran

0
43

muqAmmaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, waana maalintii labaad oo jidadka Muqdisho intooda badan ay xiran yihiin, waxaana ma’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ay shegeen in laga baqdin qabo in Al-shabaab ay falal argagaxiso ka geysato Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddomiyaha gobolka, Cali Axmed Guure ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii lagu badbaadin lahaa nolosha shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay heleen fariimo ku saabsan in Al-shabaab ay qorsheynayso inay qaraxyo geysato.

Waddooyinka waaweyn ee Muqdisho sida isgoyska KM-4 iyo jidka Maka Al-Mukarama oo ah kuwa ugu mashquulka iyo ciriiriga badan ayaan maanta xiran, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo u diidaya gaadiidku inay maraan.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha adduunka ayaa la joojiyay xaflado badan oo ka dhici lahaa Muqdisho, kuwaasoo lagu xusayay maalinta shaqaalaha, sababo la xiriira xirnaanshaha magaalada, balse waxaa jira in goobo kale oo Muqdisho ka tirsan lagu qabanayo xaflado maalintan lagu xusayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay soconayaan qorshayaasha lagu sugayo ammaanka guud ee caasimadda, iyagoo sheegay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerarro argagaxiso ka geysato Muqdisho.

Daafeet.Com