Afhayeenka Alshabab Sheekh Cali Dheere oo ku hanjebey in Alshabab u ari doonto dadkii shaley lagu diley Bosaso

0
39

cali dhereXarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabey inay u aargudi doonto 13-kii qof ee shalay lagu dilay duleedka Boosaaso, iyadoo ku tilmaantay falkaas xasuuq loo geystay dad aan waxba galabsan oo la iska soo xirxiray.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid fool-xun oo lagula kacay dad muslimiin ah oo lagu eedeeyay wax aysan shaqo ku lahayn, sababta keliya ee lagu haystana ay ahayd inay ahaayeen dad muslimiin ah, isagoo u diray tacsi ehellada dadkaas.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada Puntland, laguna helay dilka Dr. Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan iyo falal kale oo aan kuwaas ka duwanayn, iyagoo sheegay in dilka uu ahaa mid uu maamulka Puntland go’aan ku gaaray.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay marar badan uga digeen dadka muslimiinta ah in cadawgu ay dhacdooyin noocaan oo kale ah kula kici doonaan, gaar ahaan markii ay Muqdisho dadka ku xasuuqeeyn, haddii maalinkaas dadka Soomaaliyeed ay ka kici lahaayeen uusan yimaadeen falkan oo kale, Haddii dadka Boosaaso ay falkan ku kici waayaanna ay soo socdaan kuwo kale oo la mid ah.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay ugu aargudayaan dadkaas, ayna beegsan doonaan dhammmaan kuwii bixiyay amarka lagu dilay, kuwii dilka fuliyay, kuwii xukunka riday, kuwii jaasuusay, kuwii marqaati-beenaadka ku furay, isagoo sheegay inay marsiin doonaan mid walba ciqaab adag.

Daafeet.Com