Alshabab oo xaley diley Gudomiyaha deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo iyo ku xigeenkiisa

0
38

alshabaDagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ayaa toogasho ku dilay xalay guddoomiyihii deegaanka Buusaar ee dowladda Soomaaliya iyo ku xigeenkiisii, kaddib markii ay ugu dhaceen guryo ay ka deggenaayeen deegaankaas.

Guddoomiyaha la dilay oo lagu magaaabi jiray Cismaan Cabdi Nuur ayaa la sheegay in isaga iyo ku xigeenkiisa ay Shabaabku uga digeen dhowr jeer oo hore inay faraha kala baxaan maamulka deegaankaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka degmada Gedo ayaa saxaafadda u xaqiijiyay falkan, iyadoo xaaladda deegaanku ay saakay tahay mid deggen, waxaana lagu wadaa in maydadka labadan mas’uul lagu aaso deegaankaas isla maanta.

Al-shabaab ayaa horay uga talin jirtay deegaankan, inkastoo ay dagaal uga baxeen bartamihii sannadkii hore, waxaana tan iyo xilligaas ay Al-shabaab ku sugnayd duleedyada deegaankaa, iyagoo dhowr jeer werarro ku qaaday.

Daafeet.Com