Amisom oo sheegtey in ey alshabab ka sifeyn doonto gobolada jubooyinka

0
38

Taliye ku xigeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Karncho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Shabaab ay ka sifeeyeen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose.

Wuxuu sheegay taliyaha in ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen gacan ku haynta Magaalada Kismaayo islamarkaana aysan jirin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo Kismaayo ku sugan.

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in qorshohooda uu yahay inay la wareegaan deeganada Gobalka Jubadda Hoose ee Shabaab ay kaga sugan yihiin.

Ciidamada AMISOM ayaa Gobalka Jubadda Hoose waxa ay ka wadaan dagaal ujeedkiisa uu yahay inay guud ahaan Gobalada Jubbooyinka ay ka saaraan Al-Shabaab deeganadaasi ku sugan.

Daafeet.Com