Dr Gaas: Hadii Madaxweyne lay doorto waxaan Ra’isul Wasaare ka dhigaa Haweeney “Top News”

0
72

Ra,isalwasaarihii Xukumadii uu haatan waqtigaada idlaaday Cabduwali Maxamed Cali Gaas oo haatanna ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay kulan laqaatay qaar kaamid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in hadii loodoorto hogaanka Dalka uu waxbadan u qaban doono dhalinta Soomaaliyeed.

Xilibaan Cabduwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu ku cel celiyay hadalkiisa hadii loodoortaa ama uu noqdaa Madaxweynaha Soomaaaliya uu Ra,isalwasaaraha dalka uu ka dhigi doono sida uu sheegay qof haweeyney ah.
Waxaana uu taas kusababeeyay in dalalbadan oo Islaam ah ay Ra,isalwasaare kayihiin haatan haween kuwaas oo horsed u ah Dalkooda.

“hadii aniga la iidoorto inaan dalka afarta sano ee soo socota Hogaamiyo waxaan qabanaya wax kaduwan Madaxweynayaashii dalka soo maray waxyaabaha ay qabteen qof haweeneey ah ayaan ra’iisul Wasaare ka dhigayaa”

Ra,isalwasaarihii Xukumadii uu haatan waqtigeeda idlaaday Cabduwali Maxamed Cali Gaas waxa uu ugu danbeentii sheegaya hadii uu guuleesto in waxbadan uu u qaban doono dhalin yarada Soomaaliyeed sida uu sheegay.

Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa kusugan Musharixiin farabadan kuwaas oo utaagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyadoona ay taahan shuruudaha Gudiga Doorashada Madaxweynaha ay soobandhigeen ay soobuuxsheen ilaa Musharixiingaaraya 10-musharax.

Iyuadoona uu Musharax walbaa uu sheegay hadii uu kuguuleestaa Xilka Madaxweyne uu wax weyn u qaban doono Shacabka Soomaaliyeed.