Gaari ka yimid magalada baydhabo kuna sii jeedey magalada muqdisho

0
97

Hal qof ayaa dhintay, Shan kalena way dhaawacmeen kaddib markii xalay kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaari xamuul ah oo ku safrayay waddada xiriirisa degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee gobollada Shabeellaha hoose iyo Baay.

Gaariga oo noociisu ahaa Janta-diyeeshe ayaa waxaa saarnaa dad rakaab oo aad u fara badan oo ka yimid magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday magaalada Muqdisho, waxayna dableyda hubeysan ay rasaaseeyeen xilli uu marayay deegaanka Qardho ee duleedka Wanlaweyn.

Dadka ku dhaawacmay tacshiirradaas ayaa loo qaaday Isbitaallada magaalada Muqdisho si halkaas loogu daweeyo.

Si kastaba arintu ahaatee dhacdooyinka ayaa ah dhacdooyin mar walba soo noqonoqnaya mana aha markii ugu horeysey oo ey dhacaan mana jirto cid isku howshey iney wax ka qabtaan amaan darida ka jirta wadadaas.

Yasin Abicar

Daafeet.Com