Koonfur Galbeed Dhibbane loo dhib dhaami waayay !

4
314

Koonfur-Galbeed waa meeshii ugu horeysay gayiga Soomaaliyeed eeayka curatay aragtida siyaasadeed ee Ismaamul-Goboleed amaba maamul ku saleysanFederaal in ay dhistaan dadka Soomaaliyeed laga soo bilaabo sanadihii 1947diiilaa iyo 1960dii , Taasoo ay ku caddeyd barnaamijkii siyaasadeed ee xisbigiisiyaaadeed ee H.D.M.S. ee ay dhisteen dadka reer Koonfur-Galbeed waayadii gobanimou halganka Soomaaliyeed ee looga soo horjeeday Gumaystayaashii reer Yurub.

Nasiib darro taasi ma aysan suuragelin, waxaana aad uga soo horjeeday aragtidaa gumaystayaashii iyo dad kaloo Soomaaliyeed oo u arakayey in arrintaa ay ka hor imaanayso danahooda gaarka ah iyo kuwa qabiiladooda.

Inkastoo ay Soomalida goor dambe dani biday, markii guul darrooyin siyaasadeed iyo mid maamulba ay ku habsadeen dadkii iyo gayigii Soomaliyeed, Taasoo horseeday in sanado badan uu ka hirgeliwaayo maamul dawladeed oo isu keena dalka iyo dadka soomaaliyeed. Ayaa markii dambe la garwaaqsaday in gobollada dalka uu ka kooban yahay siday isu raaci karaan ay ismaamulo u sameystaan, si loo yagleelo maamul dhexe oo Federaal ah oo horseedi kara midnimo qaran. Haddana waxaa sheegta dadyow ama maamulo kale inay ayagu yihiin hooyadii Dawlad-Goboleedyada iyo Federaalka, laakiinse waxaan shaki ku jirin in Koonfur-Galbeed loo ogyahay aabaha Federaalka.

Reer Koonfur-Galbeed waxay Dawlad-Goboleedkii ugu horeeyay dhisteen sanadkii 1995tii, markii uu dhamaaday hawlgalkii Qaramada Midoobay (Operation Restore Hope for Somalia) amaba (UNOSOM) ee ku yimid dhibaatadii bani aadamnimo ee ka dhacday koonfurta Soomalaaliya, gaar ahaan Koonfur-Galbeed, ka dib kolkii ay duntay dawladdii Militariga uu hoggaaminayay bilowgii sanadkii 1991dii. Waxaana soo baxay in maamulkaa dhisiddiisa ay u cuntami weyday qaybo ka mid ah kuwii isku hayey qabsashada iyo ka talinta koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan kooxdii la baxday Isbahaysiga Qaranka Soomliyeed (Somali National Alliance-SNA) ee uu hoggaaminayey Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid. Kuwasoo duulaan ku soo qaaday gobollada Koonfur-Galbeed, xoogna ku qabsaday, baabi’iyayna Maamulkii curdanka ee halkaasi laga yagleey.

Waxaa isla mar ahaantiina Gudaha iyo Dibadda dalka ka bilowdayhalgano la isaga caabinayey xadgudubyadii uu ku hayey isbahaysigii (SNA)dashacabkii reer koonfur-Galbeed ee ay hor kacayeen ururadii kala ahaa; Dhaqdhaqaaqa Dimoqradiga Soomaaliyeed ( Somali Democratic Movement-SDM) CiidankaWax iska caabinta Reewiing, (Reewiing Resistance Army-RRA), Ciidanka BadbaadadaDigil (Digil Salvation Army-DSA) iyo Dhaq dhaqaaqa Badbaadada Digil (DigilSalvation Movement-DSM). Waxaana lagu guulaystay in inta badan laga sifeeyoxoogaggii duulaanka ku ahaa gobollada Koonfur-Galbeed sanadkii 1999kii,inkasoo kuwaasi qaar ka mid ah uu raadadkoodu weli ka muuqdo meelaha qaarkood.

Waxaa kolkiiba bilaabatay dibindaabyo guusha lagu kala dhantaalayo, looganahortagayey in guushaa la dhameystiro, waxaana la abaabulay wadahadal ku sheeglaga bilaabay gudaha dalka, gaar ahaan ergo ku sheeg ay hogaaminayeen CusmaanCali “ Caato” iyo Xuseen Xaaji Boot, oo yimid maagaalada Baydhaba. Iyagoobilaabay ergayn khiyaano ahayd, ujeedkeeduna ahaa hakinta halganka reerKoonfur-galbeed, Iyadoo docda kalena dad gaar ah ay kacodsadeen, kana dhaadhiciyeen dawladda Jabuuti inay Kullan sanadeedkaJamciyadda Qarumaha ka dhexeysa u gudbiso hindise, waydiisatana in lagu qabto dalkeedashir dib u heshiisiineed iyo dib u dhisid dawlad Soomaaliyeed.

Waxaana laqabtay shirkaa dhamaadkii 1999kii ilaa horaantii 2000dii. Taasina waxaycarqalad bilow ah u noqotay gaaridda goolashii halganka reer Koonfur-Galbeed,waxaa kale oo wehliyay iyagana dawlado kaloo shisheeye ah oo aad u dhibsanayay dhaqdhaqaaqyadaa ka socday gobolka, kuna dadaalayay hakintooda, intaasoo waxyaaloodoo is biirsaday ayaa ugu dambayn sanadkii 2001dii sabab u noqday inuu guuldaraystodadaalkii maamul u dhisidda gobollada Koonfur-Galbeed ee nafta, maskaxda iyomaalkaba loo huray.

Ka dib shirarkii dib u heshiisiineed  ee hore markay noqon waayeen kuwa guulaysta, ayaa waxaa ugu dambayntii shir qaybaha Soomaalida badankoodu la isugu keenay uu ka bilowday magaalooyinka Eldored-Emabaghadi, wuxuuna  shirkaa socday inta u dhexeysay Oktoobar 2002dii ilaa Agoosto 2004tii, kaasoo ugu dambayn Soomaalida ay ku dhisatay dawlad ku meel gaar ah, kuna heshiisay Cahdi qarameed u gogol xaara mustaqbalka Soomaalida nidaam dawladeed ku dhisan Federaal. Wixii intaa ka dambeeyay waxaa lagu soo jiray geedi socodka federaalaynta dalka ilaa iyo inta laga soo gaaro sanadkii 2016kii oo la dhameystiray dhisidda dawlad-gobolleedyada xubnaha ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba gobollada Koonfur-Galbeed waxay ayaguna qayb ka ahayeen geedi socodkaa aan kor ku soo sheegnay, waxaana dhamaadkii sanadkii 2013kiibulshada qaybaheeda kala duwan ay bilaabeen dhisidda Dawlad-goboleed ka kooban lix gobol oo ay u dhamaayeen  reer Koonfur-Galbeed, maamulkaa dhisiddiisuna waxay qaadatay muddo hal sano ah. Kolkii ladhamaystiray qoridda Dastuurka, lana dhisay hay’adihii Dawlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, isla markiiba waxaa bilowday dagaal ka dhan ah maamulkii la dhisay oo ay horseed ka ahayd maamulkii dawladdii dhexe ee waagaa, ayadoo dawladda federaalka si bareer ah ay u diiday ikhtiyaarka shacabka, kana hortimid rabitaankooda, waxayna ku khasabtay inay ka noqdaan maamulkaa lixda gobolka koobnaa, kaa bedelkiisana ay qaataan mid ka kooban saddex gobol, iyadoo latixgelinaayo rabitaanka shakhsiyaad iyo beelo gaar ah, dhabcan shisheeyaha neceb horu socodka Soomaalidana qayb ka ahaa.

Waxaa xusid mudan in Maamulkaa ay dhisteen reer Koonfur-galbeed uu ahaa mid matelayay dadka oo dhan, ayna ka muuqdeen beelaha iyo qabaa’ilada Soomaaliyeed oo idil (Multicultural Regional State), halka meelaha kale maamuladoodu lagu saleeyay beelo gaar ah, oo aan ka tarjumi karin dano-wadaag, horseedi karina midnimo qaran.

Reer Koonfur-Galbeed waxaa la soo gudboonaatay dhibaato kaga timid xagga Dawaladda Federaalka, waxaana loo keenay hoggaamiye wata maamul kakooban saddex gobol, oo taageero lala garab taagan yahay, taasina waxay meesha ka saartay rabitaankii shacabka, dhabar jab weyna meesha uu ka soo gaaray.

Waxaana hoggaanka maamulkaa uu dhinac walba ka raja tiray bulshada reer koonfur-Galbeed, kana reebay maamulada kale ee asaaggooda  ah ee ay ka kooban tahay JamhuuriyaddaFederaalka ee Soomaaliya.

Hadda waxaa dhamaaday muddo xileedkii hoggaamiyihii maamulka Koonfur-Galbeed, inkastoo si wanaagsan oo nidaam dimoqraadi ah uusan xilka u wareejinin, ayna u egtahay inuu dareemay inay socdaan wax u muuqda qaabkii markii horeba meesha uu isagu ku yimid. Waxaana ayaamahan lagu guda jiraa diyaarinta doorashada hoggaamiyaha cusub ee dawal-goboleedka Koonfur-galbeed oo loo balansan yahay inay dhacdo dhowaantan.

Waxaa doorashada Koonfur-Galbeed ay muhiim u tahay oo indha gaar ah ku haya dhinacyo kala duwan, markii laga tago shacabka deegaanadaa. Waxaa dhinacyadaa  ka mid ah; Dawladda Federaalka oo aad u danaynaysa  indoorashada madaxtinimada Koonfur-Galbeed uu ka soo boxo hoggaamiye ay kala macaamil karto danaha ay ka leedahay Dawlad-goboleedka, danahaana waqtiga xaadirka ah waxaan ku soo koobayaa laba arrimood, oo kala ah;

1- Sidii Dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed lagaga soo goyn lahaa Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada. Arrintan waa mid iska siyaasad xiliyeed ahoo ay Dawladda Federaalka  kula tacaalayso iska fududaynta iyo kala fur furidda mucaaradadda uga imaanayso dhinaca Gollaha Iskaashiga Maamul-Goboleedyada ee gudaha dalka.

Iyadoo ay Dawladda u arkayso culayskii uga imaan jiray waddamada deriska uu ka fudaaday, inkstoo taasi aan weli la xaqiijin karin, maxaa yeelay xagga Itoobiya oo kaliya ayaa xoogaa isfaham ay Xukuumadda ka heshay, taasoo hoggaankeeda uu dhowaantan isbedel ku yimid, wuxuuna hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya uu bilaabay dhaq dhaqaaq isbedel doon ah, oo xawli aan la qiyaasi karin ku socda,si dhaqsi ahna ugu fiday gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya, Eritareeya iyo Soomaaliya, una sii talaabay waddamada khaliijka Carabta qaarkood, taasi oo hirgeliddeedu ay ku xirnaan doonto saldhigashada siyaasadda gudaha ee itoobiyada cusub. Welina waxaa taagan Kenya oo aan la saadaalin karin iyo Jabuuti oo  ku jirta “Sug oo Arag” oo falcelintooda ay ku xirnaan doonto hadba siday danahooda meesha uga arkaan.

2- Cusboonaysiinta la wareegidda amaba maamulidda qaybo ka mid ah gobollada uu ka kooban yahay Dawlad-Goboleedka Koonfur-Galbeed ee Somaaliya.

Tanina  waa arrin aan cusbayn oo u eg mid horeba u jirtay oo lagala heshiiyay hoggaankii hore ee maamulka Koonfur-galbeed, kana mid ahaa shuruudihii ay Dawladda Federaalka ugu muquunisay shacbiga reer Koonfur-galbeed, taasoo ah in qayb ka mid ah ama badhamaan gobolka Shabeellaha Hoose uu maamulkiisa Iyadu hoos tago oo u muuqata inay ka leedahay mustaqabalka dana siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba.

Xagga siyaasadda, lagu raaligeliyo, laguna qanciyo kooxo gaar ah, si loo fududeeyo culayska kuwaa xaggooda kaga imaanaya Dawladda. Dhinaca dhaqaalaha, DawladdaFederaalka waxay damacsan tahay in maaumulka gobolka khayraadkiisa bad iyo beriba ay soo galaan gacanteeda, maadaama uu gobolkan yahay meesha ugu khayraadka badan Jamhuuriyadda oo dhan. Haddii taasi ay suurageli weydana lagaba gooyo gobolka Maamulka Koonfur-Galbeed intiisa kale, si ay u sahlanaato fulinta ujeeddooyinka laga leeyahay, arrimahaasina waxaa caddeymahooda ka mid ah;

b) Laga soo bilaabo 2014kii ilaa iyo haatan ciidama aad u fara badan ayaa loo tababaray dawlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, ciidamadaas oo ku filnaan kara sugidda nabadgelyada gobollada uu maamulku ka kooban yahay, laakiinse ciidamadaa sida ay u badan yihiin kama hawl galaan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ay ku eg yihiin gobollada Baay iyo Bakool, bedelkooduna gobolka ciidamada iyo saraakiisha jooga waxay ka yimaadaan gobolladda Banaadir, Shabeellaha Dhexe iyo kuwa kasii fog. Waxaana ka mid ah kuwaasi, ciidamada uu hoggaaminayo Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka, ee dhawaantan la dejiyay maagalada Marka ee caasimadda Gobolka iyo kuwa kaloo horeba u sii joogay gobolka intiisa kale oo nabadgelyo xumada iyo fowdada horseedka ka ah. Waana is balaarin cududeed ku wajahan mustaqbalka gobolka. Iyadoo dastuurka uu qabo in Dawlad goboleed walba uu u madax banaan yahay maamulkiisa iyo arrimihiisa gudaha,wixii awooddiisa ka badana ay ku xernaan doonto codsigiisa ee aan lagufaragelinin.

t) Bishii Nofembar ee aan soo dhaafnay waxaa jirtay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu la kulmay Guddiga Xudduudaha Qaranka, isagoo sheegayay inuu kala shiray sidii loo balaarin lahaa xudduudaha gobolka Banaadir, loona gaarsiin lahaa ilaa Wabiga Shabeelle,dhinacna ku haysa degmada Balcad, dhinaca kalena degmada Afgooye, sida uu guddoomiyuhu u dhigay hadalka,arrintaana Guddoomiyaha kuma aha keligiisa, waxaana gadaal ka jooga qaar ka midah madaxda Dawladda Federaalka.

Haddaba Balcad waxay dhacdaa xuduudda waqooyi bari ee gobolka Shabeellaha Hoose amaba tan waqooyi bari ee dawlad goboleedka Koonfur-galbeed uula wadaago gobolka Shabeellaha Dhexe amaba maamulka Hir-Shabeelle, wixii ka hooseeyana waxay ka tirsan yihiin degmada Afgooye ee ah afaafka laga soo galodawlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, oo xuduuddeedu ay ku jirto qayb ka mid ah magaalada Muqdisho oo haatan fadhiga u ah Dawladda Federaalka Soomaaliya. Maamulka Koonfur-Galbeed waa in loo tixgaliyaa, loona soo celiyaa lahaanshaha dhulkiisa, haddiiba dalku Federaal uu noqday, sida caalamka looga dhaqmo, inta qayb kale amaba gobol dhan haddana si sharci darro ah looga boobi lahaa, tusaalle ahaana; dalka Mareykanka oo Federaal ah, caasimaddiisuna tahay magaalada “WashingtonDC” oo ka kooban laba qayb dhuleed oo ay kala bixiyeen Dawlad-goboleedyada  “Maryland iyo Virginia” kolkii la aasaasayaycaasimadda fedraalka ee Maraykanka, sanadkii 1791dii, goor dambena dib looguceliyay qayb dhuleedkii dawlad-goboleedka “ Virginia”.

Haddii taa la waayana bedelkeeda Koonfur-Galbeed waxay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho dakhliga ka soo xarooda ilaha dhaqaalaha magaalada Muqdisho amaba Gobolka Banaadir, sida Dekedda, Geggida Diyaaradaha, Canshuuraha laga qaado qaybaha kala duwan ee gobolka, maadaama ay qayb dhuleedku leedahay magaalada ama gobolka, gaar ahaan meelaha aan soo tilmaamay. Iyo kaqayb ahaanshaha maamulka magaalada Muqdisho amaba Gobolka Banaadir.Arrinta alahaansha oo caddeymo badan loo heli karo, kuwaasoo ay ka mid yihiin qoraalkii uu bixiyay sarkaalkii Fransiiska ahaa ee soo gaaray magaalada Muqdisho 1840maadkii, ee la dhihi Jiray CharlesGullain, gaarayna ilaa degmada Afgooye oo ahayd fadhigii Boqortooyadii Galadi ga ee dhulka maamuli jirtay, si uu ula soo kulmo.

hoggaankii Boqortooyada, sarkaalkaasina wuxuu qoraalkiisu ku caaddeyay in magaalada Muqdisho ay ka mid ahayd dhulkii Boqortooyadu ay ka arrimin jirtay, taasoo dhinaca kalena uu jiro maqaal lagu qoray afka Taliyaaniga sanadkii 1953dii oo lagu soo daabacay wargeys ka soo bixi jiray magaalada Muqdisho oo soo xiganayay isla sarkaalkaa Faransiiska ahaa, waxaa kaloo caddeyn u ah heshhiikii sanadkii 1891dii ay wada saxiixdeen dawladda Taliyaaniga iyo Boqortooyada Galadi ga iyo  “Heshiiskii Siyaasadeed”  ee sanadkii 1902dii iyokuwa kale oo intuba lagu saxiixay magaalada Muqdisho. Waxaa kaloo caddeymahaasi ka mid ah, meesha waqtigan xaadirka ah loo yaaqaano (Ex-control Afgooye) oo ahayd koontaroolka laga soo galo magaalada Afgooye waqtigii dawladdii Militariga ee talada dalka ugu dambaysay. 

Waxaa kaloo maalmahan caasimadda Koonfur-Galbeed ku soo kordhay in lagu soo daad gureeyay ciidamo laga keenay magaalda Muqdisho, iyadoo lagu andacoonayo amni sugidda doorashada hoggaamiyaha maamulka, kaasoo u eg qaabkiiay ugu soo duuleen isbahaysigii “ SNA” maamulkii u horeeyay ee halkaasi laga unkay sanadkii 1995, kan hadda jirana lala damacsan yahay kuwan in lagu carqaladeeyo. Maxaa yeelay ilama ahan in ciidan dheeraad uu u baahan yahay maamulka Koonfur-Galbeed, ciidanka meesha joogana wuu ku filnaa nabad gelyada, haddana wuu ku filan yahay wixii ku saabsan amaanka doorashada dhici doonta.

Marka ciidankaa wuxuu u eg yahay in lala damacsan yahay in lagu hor istaago oo lagu handado tartamayaasha qaar ka mid ah, dhinaca kalena ay noqon karto in lagu  taageerayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur-galbeed, oo lala damacsan yahay sidii loogu dheerayn lahaa sii haynta madaxtinimada Koonfur-galbeed ilaa iyo waqti aan cayinayn, haddii dawladda dhexe siday doonayso ka weydo tartanka doorashada oo haddaba dib u dhacyada doorashada ay tilmaan u tahay.

Waxaa reer Koonfur-Galbeed ayagoo wada jira, ka shacab ahaan, maamul ahaan iyo madaxda amaba hoggaanka hadda jooga iyo kuwa la dooran doonaba la gudboon inay u daw galaan raadinta xuquuqdooda ka maqan, ka feejignaadaan xad gudubyada siyaasadeed ee baal marsan dastuurka dalka ee lala damacsan yahay, kana hortagaan goosashada iyo qaadashada qaybaha dhulkooda ama gobolladooda, ilaaliyaana wadajirka dhulka maamulka Dawlad-Goboleedkooda (Regional State territorial integrity).

Diyaariye: Axmed  Suldaan

e-mail: balshafe@gmail.com

4 COMMENTS

  1. waa runta ahmed dhibka haysto. digil waxay masuul ka ah Balshafe u fiirso ereyga balshafe macnihiisa was geesiyaashii u dhashey digil EE difaacaayey dalka digil iyo dadkiisa warmihiina ka tunta yaanbo,minsaar,badiil iyo kawaawi reer digil warkaas ka soo yeeray waxay u qaateen inuu dhamaadey dagaalkii lagudifaacaayey dalka oo aan jirin cadow ku soo wajahan balse arintu wey ka duwaneyd wuxuu ula jeedey balshafe dhulkii waan gatey idinkuna waxaad adoomo u tihiin Talyaani markii laguda galey qeybintii dhulka asendooyinka wuxuu ku soo rogey qoys kasta oo reer digil ah in laga kaxeeyo wiil,maalin maalmaha ka mid ah wiil ayaa loo geeyey balshfa sagaaladii ayaa wuxuu ku amrey in ay geeyaan assendada farank waxay ka soo horjeeda garshiini wiilkii wuxuu yiri hadii aan leygu mehrineynin hiblaayo hibil mabahaayo sagaalaa la sorry gabadii ayaa la keeney was lagu mehriyey waxaa lavkeeney Frank halkaas ayey wiil ku dhashey iyadoo wiilkii yaraa haysato ayaa iyada iyo wiilkeedi loo direy beertii suufka lagu guraayey kabraalihii wiilkii yaraa lugta ayuu ka xirey geedka suufka ayuu ku soo xirey isagoo u gargaara gabadha iyada keliya ayey digil ka ahey waxay ku ooysey hiiraale hadii rooge lahaayi huun bimaal hool ma haayeen waxay ula jeedaa sh.yuusuf Mahmud,dhibkii asayle isagaa masuul ka ah dadkiisa shaley culumonimo idinku yeertey jeceyl ay idin qabaan idin baxsadeen macaga aad maanta sheegataan EE gooburoone ayaa dhibkaas ka sameyseen digilkii dhaladka ahaa ayaa tirtirteen waxaa tirahdeen todowa todowa dulsaaran adiga ahmed ah waxaad aminsantahay fikirkaas hadii aadan aminsaneen dadkiisa dalkabuvdhasheyvhala siiyo xaqooda hadii taa la waayo dhib lagama bixi doono.

  2. Waxaa halkaan rabaa in aan faafaahiyo yaa digil ah aadanaha wuu is shegtaa marka la galo xaaladaha adag sida abaarta iyo colka ama halagu ixtiraamo ka mid noqoshada qabiilka,dadka noocaas ku yimaada mabedelaan qabiilkiiay soo sheegteen nasiibdarada digil qabsatey dadkii soo shegtey wey baabi’iyeen magacii digil iyadoo lagu gudi jiro dhibkii digil ku reebay balshafa wax garadka digil ay ku fekaraayaan sideen ugu baxnaa adoonsigaan ayaa 1940 waxaa bilowdey dhaqdhaqaaq xuriyad doon ah oo uu hogaaminaayey Abdulqadir sh.Saqawe oo markii danbe isu bedeley SYLdadkii shaley aan digiley ee aan ka sugeyney iney nala difaacaan dalka iyo dadka waxay noogu baxeen heshiiskii ahaa dhow iyo dhiib dhowr sano ka dib waxay la yimaadeen HDM oo lagu dhameystiraayey baabi’inta magaca digil,1945 HDM wuxuu noqdey xisbi siyaasadeed oo hogaan u ah sh.Abdulahi quriile iyadoo aan ladiidi kareynin magaca tuuladii uu ka soo jeedey ee Daanjeerey u fiirso xarfihii waxaa loo fasirey digil iyo mirifle waxaa halkaas ka lumay digilkii magacii iyo dadkii ku abtirsanaayey ee kala ahaa Dube digil,Digine digil,Iroole digil,Matay digil,Duubdheere digil,Aliyow digil iyo Cusmanow digil.sh.Abdulahi wuxuu abuurey lambaradaan maanta ay isticmaalaan siyaasiyiintta ee kala ah 7,8,9 si loo qaldo dadkii dalka u dhashey ee reer digil waxaa ugu sii darey 1965 tiiAbdulqadir Zobe isagana wuxuu abuurey qebybta maanta ay adeegsadaan siyaasiyiinta ku hardamaya dalka digil hanashadiisa taasoo ah 7,15,9 qabiil waxaa ka sii darey 1969 kii golihii sare kacaanka kursigii digil waxaa ku fadhiyey Abdi Warsame kursigii digil ee golaha wasiirada waxaa ku fadhiyey Abdisalaan sh. Husen labaduba waxay u sheegeen Maxamed Siyaad in matalayaan dirta koonfur dhibka maanta taagan asal ahaan halkaas ayuu salka ku haayaa.Ahmed S.waxaan ka codsanayaa in aad weydiiso hogaanka digil ee maanta jira waxay ka damacsan yihiin magaca digil ee ay ku qaraabtaan mustaqbalka dhow ku waa soo kala ah:Cusman,Warsame,Bube,faqi,nur,sidow iyo Sidey ka dibna udar ra’yigaga.

  3. Aaw Cabduraxmann,
    Waad ku mahadsan tahay faallada aad ka bixisay maqaalka.
    Waxaan kaa codasanayaa inaad ii oo siiso meel aan kaagala soo xiriiro, aniga e-mailkayga wuxuu ku qoran yahay maqaalka qaybtiisa hoose.

    Xiriir wacan.

  4. Ahmed Suldan adigana sidoo kale waad ku mahadsantahay waxaa si weyn ii soo jiittey cinwaanka maqaalkaaga KG dhibane loo dhib dhaami waayey,waxaan xasuustey 2016 maalin aan kala hadley Eng.Salax sh.Cusman kursigii baarlamaanka dube digil ka dib markii la ii soo sheegey in sharif sakiin diidey in uu ansixiyo musharixii ka socdey dubedigil wuxuu salax igu yiri sakiin ayaa laga rabaa soo celinta kursigaas ,sakiin aqoon uma laha taariikhda DM sidee soohin la lska haysto ku suubiyee ? qofkii wal ogaayi hadii sidaan dhaxi digila iyo dadshey dadkaas ayey wax ka sugaayaan!waxaad iga heli kartaa Darbane25@gmail.com

Comments are closed.