Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Sheegay Inuu Mooshinka Ansax Yahay.

0
54

Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay heshay warbaahinta ayaa lagu sheegay in 09kii bishan uu qabtay sida uu hadalka u dhigay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa ku socday dhamaanba xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in mooshinkan ay soo gudbiyeen xildhibaanno gaarayan 92 xildhibaan sidaa daraadeed la waafajin doono sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala Golaha Shacabka.