Guddoomiye Maxamed Mursal oo lagu Sheegay Badbaadiyaha Dalka xilli uu Xoogeystay Mooshinka Laga Keenay Farmaajo.

1
39

Mooshinka laga keenay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda mid xoogeystay oo sababi doono inuu ku baxo isaga ama raysul wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dhawaan qabtay mooshinka laga keenay madaxweynaha oo lagu eedeeyay qiyaano qaran oo ay kamid tahay heshiisyo sir ah, ka hor imaanshaha nidaamka federaalka ee Soomaalidu ay qaadatay kadib markii uu faragelin muuqata ku sameeyay doorashada Koonfur Galbeed iyo burburinta baarlamaanka isagoo adeegsanaya qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa lagu ammaanay inuu u istaagay badbaadada dalka iyo dastuurka u yaalla Soomaaliya, kadib markii uu dib u howl galiyay guddiga malaiyadda oo si sharci darro ah u kala diray guddoomiye ku xigeenka 1-aad oo aanan la tashan guddoomiyaha baarlamaanka iyo is hortaagga faragalinta cad ee lagu hayay Koonfur Galbeed Soomaliya.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa la sheegay inay adeegsadeen guddoomiye ku xigeennada Maxamed Mursal si ay usoo afjaraan fadeexada ku habsatay ee ku aaddan lunsashada malaayiin dollar, taasoo uu ka horyimid guddoomiyaha baarlamaanka.

Dibad baxyo lagu taageerayo mooshinka iyo go’aannada guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka dhacay magaalooyin badan oo ku yaalla Soomaaliya oo magaalada Baydhabo ay kamid tahay.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Farmaajo iyo Kheyre ka diiday in dalka uu galo dagaal sokeeye kadib markii ciidammo aanan cidna lagala tashan oo iyaga hoostaga lageeyay magaalada Baydhabo, islamarkaana qalalaaso siyaasadeed ay ka dhex abuureen madaxda maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo raysul wasaare Kheyre ayaa u heystay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal mid ay dhankey doonaan u wadan kara balse taasi waxey ku hungoobeen kadib markii uu si geesinnimo leh isu hortaagay hagardaamada ay la damacsanaayeen dalka, gaar ahaan maamul goboleedyada oo ay ugu horreyso Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Farmaajo ayaa in muddo ah loo heystay weerarradii uu ku qaaday masuuliyiinta ka aragtida duwan oo uu kamid ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Qeybdiid, sidoo kale waxaa lagu heystay dhiibistii Qalbi dhagax iyo lunsashado lacago la sheegay inay ku maqan tahay xafiiskiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u muuqda mid ay ka go’an tahay badbaadada shacanka, isagoo si cad u diiday laaluush, musuq maasuq iyo dib u dhac ku yimaada dalka.

Hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay geesi leh karti uu ku badbaadin karo Soomaalida islamarkaana ka shaqeyn kara wanaagga guud ahaan Soomaalida.

Mooshinka uu qabtay guddoomiyaha baarlmaanka ayaa la filayaa in dhawaan laga doodo, taasoo horseedi karto inuu meesha ka baxo Farmaajo ama uu isku furto raysul wasaarihiisa Kheyre maadaama ay u muuqato in xildhibaannada mooshinka ay sharci ku taagan yihiin.

SAREYNTA SHARCIGA IYO ILAALINTA QARANIMADA SOMALIYEED WAA MUQADAS

1 COMMENT

  1. Mooshinku wuu buray mursal cidna aaminimayso dib dambe waa mucaarad waa khaa’in ajaaniib ayuuna gadaashooda galay imaaraat buuna u shaqeynayaa xildhibaanimo xitaa wuu weynayaa xasaanadda ayaa laga aadi doonaa insha Allah ..
    Waa nin ximaar ka ah siyaasadda

Comments are closed.