Dagaalo maanta mar kale dib uga qarxay degmada qoryooleey

0
109

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo markale maanta dib uga qarxay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasoo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu maanta ka dhacay xaafada Buulo Siidow, wuxuuna saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi.

Sawirro laga soo qaaday bartamaha Qoryooley ayaa muujinaya degmada oo haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo marar badan kusoo laa laabtay aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisadda ka taagan Qoryooley oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd magaalada, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here