Dowlada somaliya oo beesha caalamka u sheegtey ineysan diyaar u eheyn wadahadal ay la gasho dowlada itoobiya

0
67

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay waddamada G7, kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska ay Ethiopia la gashay Somaliland, kuna baaqay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida ku qoran axdiga Qaramada Midoobay.

Soomaaliya waxay sheegtay inay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, islamarkaana ay u dooneyso inay xoojiso wadashaqeynteeda G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here