Webiga shabeela oo ku fatahay deegoono ka tirsan degmada jowhar

0
60

Warar aynu ka helyno magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar.

Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Maxamed Bashir Qasim Daqare.

Fatahadahan uu wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanadaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa kusoo aaday, maalmo yar uun kadib marki ay hey’adda Maareynta masiibooyinka Qaranka Soomaaliya iyo hey’adda OCHA ee Qaramada Midoobay ka digeen, suurtagalnimada daadad iyo fatahaado ka dhasha roobka Guga iyo wabiyada Jubbada Shabeelle.

Dhanka kale waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu webigu ku fataho magaalooyinka Baledweyne iyo Buula burte.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here