Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soo Xirtay Musharax Mukhtaar Roobow

0
39

Warar aynu ka helnay magalada baydhaba ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya xireen kaddib markii ay ka kaxeysteen meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Baydhabo.

Wararka xog ogaal ah ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow uu shirqoolkan u dhigay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed hatana ah kusimaha madaxweynaha maamulkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Mukhtaar roobow lagu baamiyay xarunta madaxwtooyada maamulka koonfur galbed balantaasna uu u dhigay gudoomiyaha baarlamaanka taasina ay sahashey in sheekha halkaasi lagu qabsado.

Xaalada magaalada ayaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid aad u kacsan iyo haddana ma jirto wax faahfaahin ah oo arintaasi laga helayo waxaa xiran dhamaan qadadka internetka iyo telfoonada.

Mukhtaar Rooboow waxaa uu ka mid yahay musharixiinta ugu cad cad ee u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, horeyna xukuumada ay dhor jeer isugu deyday in ay ka reebto doorashada ayadoo halkaasi la dooneysa musharax ay xukuumada sidato.