Madaxweynaha Dalka Ereteriya oo Maanta Muqdisho Booqasho Ku Yimid

0
47

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa salka ku haysa abuuridda hannaan iskaashi iyo mid diblumaasiyadeed oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Ereteriya, iyo dardargelinta qorsheyaasha wadajirka ah ee ku aaddan amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.