Dhegeysiga maxkamada sayid cali oo maanta furantey

0
64

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah guda gashay dhageysiga dacwadda culus ee loo heysto Sayid-Cali Macallin Daa’uud oo horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ugu xukuntay dil toogasho ah..

Eedeysanahaan ayaa Maxkamaddu ku heshay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Cabdicasiis.

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa ku amartay Taliyaha Booliska degmada Xamarweyne in maanta oo Axad ah inuu horkeeno Maxkamadda eedeysane Sayid cali.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Racfaanka ayaa faray dhinacyada dacwada dhageysanaya in ay soo xaadiraan 9:00am.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here