Shacabka magalada muqdisho oo looga digey weeraro alshabab damacsan tahay

0
308

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku wajahan shacabka magaalada Muqdisho, iyadoo uga digtay weeraro kooxda Al-Shabaab ay la damacsan tahay goobo kamid ah caasimadda.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa shacabka loogu digay iney taxadar dheeraad ah ka muujiyaan tagista goobaha ay khatarada uga iman karto.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale milkiileyaasha guryaha, hoteelada , garaashyada iyo goobaha kaleba lagu faray in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda.

1- In shacabku muujiyaan feejignaan guud, gaar ahaan inta uu socdo hawlgalka beegsiga Khawaarijtu.

2- Si gaar ah dowladdu waxay milkiilayaasha hotelada, maqaayadaha iyo goobaha kale ee ganacsiga u soo jeedinaysaa in ay muujiyaan taxaddar dheeri ah.

3- Muwaadiniinta waxaa loo soo jeedinayaa in ay si taxadar leh xaaladda ula socdaan, isla markaana yareeyaan tagista laga maarmi karo ee goobaha ay khatartu uga imaan karto.

4- Waxaa la xusuusinayaa milkiileyaasha guryaha, hoteelada , garaashyada iyo goobaha kaleba in ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda goobahooda, ciddii aragta ficillo shaki lehna waxaa laga codsanayaa in ay degdeg u soo wargeliyaan laamaha amniga .

5- Ciidamada amniga waxaa ka go’an inay sii wadaan hawlgallo qorsheysan oo lagu burburinayo Khawaarijta, sidaas darteedna waxaan ka codsanaynaa shacabka in ay dulqaad muujiyaan