Alshabab oo weerar ku qaadey saldhig ay ciidamada dowlada ku laheyd duleedka degmada beledweyne

0
267

Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Saldhig ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee galbeedka magaalada Beledweyne.

Waxaa lagu soo waramayaa in weerarka kadib uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamada Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Burdaar iyo xubnihii Shabaabka ahaa ee weerarka soo qaaday.

Sida ay warbaahinta u sheegen dadka deegaanka waxa uu socday dagaalka in ka badan laba saacadood, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira mid nafeed iyo hantiyeed shacabka deegaanka soo gaaray.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidanka uu fashilayay weerarkaasi, kadib markii uu helay xogta qorshaha Al-Shabaab.