Taliyaha saldhiga boliiska beledweyne oo ku dhintey iska hor imaad halkaasi ka dhacay

0
303

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in goordhaw uu ku dhintay iska hor imaad kooban oo ka dhacay Saldhiga Booliiska Baledweyne Taliyahii ciidanka Booliiska magaalada Baledweyne Laba xidigle Maxamed Xuseen Maxamuud Duurdage.

Iska hor imaadka kooban ee ka dhacay gudaha Saldhiga Baledweyne ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada Booliiska ee halkaasi horay ugu sugnaa iyo ciidamada Haramcad ee dhawaan la geeyay Baledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iska hor imaadka kooban ee dhexmaray labada ciidan, waxaana wali Saldhiga iyo nawaaxigiisa laga dareemaya xaalad kacsanaan ah.