Shirka golaha wadatashiga doorashooyinka oo galey maalintiisa labaad

0
83

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa galay maanta maalintii labaad iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir,

Shirka maanta ayaa lagu wadaa in laga dhagaysto qorshayaashooda guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Gabagabada shirka ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro qorshe cusub oo lagu dardargelinayo doorashada la qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo labada bil ee soo socota.

Shirkii shalay ayaa ku qabsoomay jawi Isfahan ah iyadoo meesha laga saaray in dib loogu noqonayo heshiisyadii doorasho ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.