Taliyaha ciidanka xooga dalka oo ka hadley qarixii maanta ka dhacay deegaanka biyo cadde

0
447

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar ismiidaamin ah oo Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Biyo-cadde oo ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray banaanka hore ee saldhig ay taliska xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada oo heytay xogta Qaraxa kuna jiray fiijignaan dheeri ah ay ka hortageen qorshihiii ay soo maleegeen Al-shabaab.

Gen Odaywaa ayaa intaas raaciyay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca Dalka iyo Diinta ay sii labalaabayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo uu sheegay inay baneysatay daadinta dhigga umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

4 askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa geeriyootay halka tiro kale ay dhaawacmeen sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo kala duwan kadib markii Gaariga qarxay lagu dhuftay mid kamid ah Difaacyada Xerada Ciidanka.