Mexey ka wada hadleen Xasan sheekh maxamuud iyo Rooble

0
347

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah u taagan xilka madaxtinimada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulankoodii galabta uga wada-hadlay xaaladda ee siyaasadda dalka, si gaar ah waxay diiradda u saareen arrimaha doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan dhawaan, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Kulankaan uu Ra’iisul wasaaruhu hoygiisa ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aaday iyadoo Rooble uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii uu safar Cumro ah u aaday Boqortoyada Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa bilaabay kulamo la xiriira sidii loogu guuleysan lahaa dadaallada uu ku doonayo in dalka ay doorasho ka dhacdo. Waxuuna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u balan qaaday inuu wax kasta la fududeyn doono.