Qarax ismidaamin ah oo ka dhacay isgoyska ex koontarool afgooye

0
213

Warar aynu goor dhaweyd ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoogan uu ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Ex control Afgooye.

Qaraxan ayaa la sheegay in jugtiisa laga maqlayey meelo kala duwan oo ka tirsan magalada muqdisho, iyagoo dad badan ay cabsi ka qaadeen in qaraxyadan noocani oo kale ka dhacaan magalada iyo nawaaxigeeda.

Warar hordhac ah oo aynu helney ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa qarax ismiidaamin ah oo lagu soo xirey mooto islamarkaana lagu weerarey Xarunta Asluubta Soomaaliyeed ee ku ag taalla Ex control Afgooye.

Weli wax faahfaahin ah lagama hayo qasaaraha uu geystey qaraxani balse wixii soo kordhaa dib ayaan idinku soo sheegi doonaa.