Maamulada hirshabele iyo galmudug oo ka horyimid heshiiskii mudo kordhinta

0
184

Maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa isku raacay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Soomaaliya si meesha looga saaro xaaladda karin ee ka dhalatay muddo kordhintii uu barlamaanka sameeyay.

Labada maamul ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen waxay ku diideen wax muddo kordhin ah, waxayna isku raaceen in doorashada lagu galo heshiiskii 17 sebtember.

Waxay sidoo kale isku raaceen in meesha laga saaro wax kaste oo ka hor imaan kara ama caqabad ku noqon kara hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17 september.