XaliimoYareey oo sheegtey arin ay somalida horey uga dheregsanaayeen

0
62

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa kashiftay arin dad badan hore u ogeyn.

Khudbad ay maanta ka jeedineysay Shirka Garsoorka Dalka Ee Muqdisho ka furmay ayey sheegtay in Gumeysi dadban lagu hayo Soomaaliya oo loo baahan yahay in laga xoroobo.

“Walaalayaaloow Dalkaan god ayuu ku sii socdaa 4 sano Xerada Xalane ayaan joogeynaa dad ayey dan u tahay inaan Xalane joogno, Dawlad aan Xalane laga maamulin aan dhisano” ayey tiri Xaliimo Yareey

Dadka Siyaasada u dhuun daloola ayaa hore u qabay in Xubnaha Beesha Calaamka Ee Xalane ku shaqeeya ay caqabad ku yihiin Dawlad Adag oo Soomaaliya ka hana qaada.